Madaxweynaha maamulka la magac baxay Somaliland Axmed Maxamuud Maxamed (Siilaanyo) ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa in maamulka Puntland ay wada yeeshaan iskaasho dhinacyo badan taabanaya.

Axmed Siilaanyo oo saaka khudbad dheer ka jeediyey fagaaraha Kheyriyada ee magaalada Hargeysa oo ay isagu baxeen boqolaal qof oo u xusayey maalinta 18-May ee gobolada Waqooyi ay ku dhawaaqeen in ay ka go’een Soomaaliya inteeda kale ayaa wuxuu sheegay in maamul goboleedka Puntland oo qayb ka ah Soomaaliya uu yahay deegaan nabdoon, waxaana uu xusey in uu jeclaan lahaa maamulkiisu inay Puntland la wadaago iskaasho dhinacyada nabadgalyada, la dagaalanka burcad badeeda, argagixisada, ganacsiga & arimaha bulshada sida caafimaadka & waxbarashada.

Axmed Silaanyo wuxuu sheegay inay tahay wax lama taabtaan ah oo aan gorgortan laga galyn xuduudaha Somaliland, isagoo taasi ula jeeday muranka dhanka xuduudaha ee u dhaxeeya Puntland & Somaliland, balse wuxuu muujiyey in iyadoon arintaasi la soo hadal qaadeyn in maamulkiisu Puntland iskaashi diyaar ula yahay.

Dhinaca kale mar uu ka hadlayey arimaha kale ee Soomaaliya wuxuu ugu baaqay madaxda Soomaalida inay ka gudbaan khilaafka & isqabqabsiga ayna u daneeyaan shacabkooda kana hormariyaan danahooda gaarka ah kuwa guud ee shacabka.

Madaxweynaha Somaliland wuxuu ku amaanay shacabkiisa soo dhaweyntii ay soo dhaweeyeen dadka Soomaaliyeed ee ka qaxay goobaha ay colaaduhu ka aloosan yihiin wuxuuna ugu baaqay in dadkaasi la dhawro xuquuqdooda gaarka ah.

Hayaan Faarax
SBC Hargeysa