Alfanaan Axmed Naaji Sacad oo Markii ugu horeysay yimid gudaha Dalka tan iyo intii uu Bur burka laxaadka leh ku jiray islamarkaana ku sugnaa Xarunta uu ka dhacayay Shirka Wadatashiga Soomaaliya ee gelinkii dambe maanta ka furmay Magaalada Garoowe xarunta dowlada Puntland ayaa la hadlay Idaacada SBC International.

Axmed Naaji Sacad ayaa sheegay in uu si aad ah ugu faraxsanyahay maanta oo uu ku sugan yahay ciida Dalkiisa Hooyo islamarkaana uu ka qeyb qaadanayo shirka Wada tashiga Aayo ka talinteeda Soomaaliya, islamarkaana uu rajeynayo in uu ku soo dhamaado Guul iyo weliba is fahan dhaliya midowga Soomaali meelkasta oo ay joogto.

Alfanaan Axmed Naaji ayaa Intii mudo aheydba ka maqnaa Dalka isagoo ku noolaa dhanka wadamada qurbaha Balse manta ayuu ka soo degay Garoonka aadan cade ee Muqdisho ka dibna uu ka soo degay Magaalada GAroowe oo uu ka soconayo shirka wadatashiga Soomaaliyeed oo looga hadlayo arimo ku aadan Dastuur u sameynta dalka iyadoona ay goob joog yihiin masuuliyiinta Maamulada ka jira Soomaaliya.

Hadaba Dhageyso Codka Alfanaan Axmed Naaji Sacad RIIX Halkan