kismayo axmed madobe
Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo Waxaa maanta dib ugu laabtay Wafdi uu horkacayo hogaanka Maamulka KMG ah ee Magaaladaasi Kismaayo .

Gudoomiyaha Maamulka KMG ah ee Kismaayo Axmed Madobe ayaa safarkiisa waxaa ku weheliyay saraakiil uu ka mid ahaa warfaa Sheekh Aadan oo af hayeen u ah ciidamada Dowlada ee halkaasi ku sugan iyo Xubno kale.

Waxa ay wafdigani ka soo kici timeen magaalada Nairobi Xarunta Dalka Kenya halkaas oo ay u gaareen todobaadyo ka hor kulamo ku aadan xaalada guud ee Jubooyinka iyo Shirka Maamul u sameynta gobolada Juba Land.

Garoonka Diyaaradaha markii uu soogaaray wafdigan waxaa hadalo kooban saxaafada Siiyay gudoomiyaha KMG ah iyo saraakiisha la socday waxaana ay sheegeen in si wanaagsan oo guul leh uu ugu soo dhamaaday safaradii ay u tageen Nairobi.

Axmed Maxamed Islaan Axmed MAdoobe gudoomiyaha Maamulka KMG ah ee Kismayao ayaa isagu shaaciyay in saacadaha Soo socda Kismaayo Soogaari doonaan Wafdi uu horkacayo Raiisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon.