Maamulka Jubbaland ayaa balan qaaday in aanay ka leexan doonin wadadii heshiiska hiigsiga 2016 ee horay u dhexmaray maamul goboleedyada dalka qaramada midoobay iyo dowladda dhexe ee dalka.

Madaxweynaha maamulkaas Axmed maxamed Islaam axmed Madoobe oo la hadlayay saxaafada ayaa sheegay in Jubbaland aan looga baran in ay ka baxdo heshiisyadii ay saxiixday, ayna diyaar u yihiin in ay sii hormariyaan oo keliya.

Hadaan nahay Jubaland, nalaguma baranin inan ka baxno heshiisyada, waxaan guud ahaan ka shaqeyn doonaa dadaalna ku bixin doonna sidii somalia u gaari laheyd 2016″ Sidaasi Waxaa yiri Madaxweynaha Jubbaland.

Dhowan waxaa jiray Khilaaf baaxadeystay kaas oo soo kala dhexgalay Maamulka Jubba iyo dowladda dhexe ee dalka ka dib markii ay baarlamanka Soomaaliya farageliyeen baarlaman cusub oo uu maamulkaasi sameystay, balse waxa uu sheegay madaxweynaha Jubba in aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin khilaafkaas hiigsiga 2016.

Dhageyso Codka madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.