Darsiyada nolashu ay kuu dhigeyso , waa cajiib , waxaadan malayn Karin ama aad la yaabeysaa sida ay kuugu dhigayso ,sida ay khibrada kaga bareyso iyo sida ay kugu sharaxeyso , waxa ay igu noqotaa layaab markaan maqlo , waxaana iiga sii daraneyd markii aan lakulmo , waxa uu ku fakarayaa wax uusan qofka dhalinyarada ahi ku fakarin , kana mid aheyn , lagu aqoon hab fakarka dhalinyarada , waa in uu dal shisheeye u tahriibo uuna ku noqdo qaxooti , lagama yaabo in uu wax kale ku fakaro , dhamaan dhalinyarada soomaalida waxa ay kuwada fakarayaan side ku tagtaan dal shisheeye , lknse waxa ka dhumay awoodii fakar ay lahaayen dhalinyaradu ama lagu yaqaaney .

Marka aad maqashid dhalinyaranimo , waxa isla markiiba ku soo deg degaya maskaxdaada in uu yahay qof da,yar , xog leh , hankiisu sareeyo , awood u leh in uu wax bedelo , awood u leh in uu wax hoggammiyo , awood u leh in uu fikir cusub soo kordhiyo , awood u leh ku haminta in uu noqdo hoggan keena isbedel , uuna sugaayo dalkiisa , ah awooda ugu muhiimsan ee uu leeyahay dalkiisu , lknse marka ay timaado dhaliyaradeena soomaaliyeed , waa ay ka duwan yihiin dhalinyarada an soo qeexney oo iyaga mararka qaarkood waxaad waayeysaa wax aad ku qeexdid ma garaneysid , hadii aad taariikhda dib u eegtid lama arag dhalinyaro sidaas oo kale ah , lehna qaabkaas oo kale , waxaaba la oran karaa soomaaliya dhibka ugu weyn oo haysta waxa ay ka timi dhalinyaro , waana dhab sababta oo ah , waxa ay lumeyeen dowrkii ay ku lahaayeen bulshada , 1991 markii ay dhacdey dawladii soomaaliya ilaa 2013 , waxaa dalkooda ka socda dhibaato , dagaal , gaajo , iyo hoggan xumo , lama hayo dhalinyaro isku duuban oo ka fiyow dhamaan wixii burburiyey dawladii kacaanka , uguna horeeyo qabiil , oo ka tashada masiirka iyo mustaqbalka ummadooda , waxaana dhab ah hadii aan la helin in uu ku dameyn doono mustaqbalka ummadooda sidii ay ku danbeysey dawladii andulus oo ey taarikhdu u taqaan ( janaadii dhuntey )

Awoodii dhalinyarada in ay rajo gabto waxaa sabab u ah waxyaalo farabadan , fakar la,aan ama si xun u fakerid , dhalinyarada soomaalida waxaa ladhahaa wax waa ay bartaan lknse waxbarasho aan bedelayn fikirkaaga , hab dhaqankaaga adna sameyn ku yeelaneyn bulshadada waxbarasho mahan .

Hadii ay dhalinta soomaalidu ay in badan taariikhda dib u eegi lahaayeen ayna wax badan akhrin lahaayeen waxaa dhab ah in awoodooda rajada gabtey ay soo laban laheyd ayna ku hamin lahaayeen , kuna fakari lahayen side u badalnaa ummadeena , lknse wax akhris la,aan waa ay dhib badantahay , adoo aan meel kale oo dheer aan aadin hadii aad akhrisid taariikhda dalkaaga waxaa ay si wanaagsan u xustey dhalinyaro ka koobneyd 13 waa dhaliyaradii xurnimo doonka aheyd ee ( syl ) darsigii ugu yaabka badnaa ay taariikhdu iiga dhigtey ayna sida wanaagsan iigu sharaxdey waxa uu ahaa , guusha nolasha , waxaa dawr muhiim ah ka qaata , fikirka iyo dhabar adeyga , hadii intaas laga helo bulsho , waa ay guuleysanayaan bulshadaasi , dhalinyaradii SYL waxa ay ahaayeen dhalinyaro fikir leh , dhabar adeyg leh , diyaarna u ah in ay isbedel u keenaan bulshadooda .

Isbedel marka uu dhacayo maahan in uu iska dhaco, lknse sida uu ilaahay quraankiisa noogu xusey waxaa muhiim in laheho isbedel ka yimaada bulshada dhexdeeda waxaana dawrka ugu muhiimsan ka qaata dhalinyarada ama fikirka isbedelka ahi waxa uu ka yimaada qof ayaga kamid ah , sida xusan fikradii gobonima doonka aheyd ee ururkii syl waxa ay ka timid ( yaasiin xaaji cismaan sharmaarke ) yasiin waxa uu ku jirey rag dhawr ah oo u ahaa ururka aqoonyahano , waxa ayna noqotey fikrad lagu hormarey oo miraheedii waxa ay noqdeen midawgii goboladii soomaaliya .

Isbedel in uu dhaco wax ku cusub mahan aadamaha , lknse isbedelkasta oo dhaca waxa hindisa dhalinyaro , isbedelkasta oo lagu gaaro hormar waxa uu ka yimaada dhalinyaro , isbedelkasta oo lagu barwaaqoobo waxa dawr muhiim ah ku leh dhalinyaro , sida ay aaminsanyihiin awooda soomaaliyeed oo ah dhalinyarada in aysan macquul gal ahayn in uu dhaco isbedel , lakinse sida dhabta ahi waxa ay tahay in uu dhaci doono isbedel ay bulshada soomaaliyeed ku barwaaqoobaan .

Mar hadii uu isbedel dhacayo, ayna ka mid tahay sunanta ilaahey , in uu isbedel dhaco , bulshana sida ay tahay kuma noolato ee waa ay iska bedeshaa , hadii aad ku jirtey dagaal iyo dhib iyo gaajo waxaa imaanayo dawrkii eebe kaa siiyey waqtiga oo waa waqtigii aad barwaaqoobi lahayd , bal aan dib u eegno taariikhda si , aan tusaale kuu siiyo , markaad si wanaagsan u eegtid taariikhda ummada islaamka waxaad ka helaysaa isbedelo kala duwan – oo ummada islaamka markii ay helaan hoggan hormar u hoggamiya waxa hadana imaanayey hoggan keena dib u dhac – ilaa uu ka yimaado hoggan kale oo kor u soo qaada ummada , waa ay soo lab laabatey in badan arintaas .

Hadii aad ka rajab gabtey dalkagii hooyo oo aad Is dhahdey dagaalka iyo gaajada iyo dhibta ka jirta ma dhamaaneyso , waxaad dib u eegta dalka aad u ordaysid oo aad nafsadada khatar u galineysid , sida ay u xustay taariikhda dunida , dalkasta oo hormarey waa uu soo marey dagaal , gaajo iyo wixii lamid ah , tusaale united state waxaa ka dhacey dagaalkii ( industrial war or state war 1861 – 1865 ) oo ay ku dhinteen dad aad ufara badan oo ay ugu badnaayeen dhalinyaro da,da ( 20- 40 ) maantana waxa ay ku jiraan dawladaha dunida hogganka u haya , waxa ayna ku gaareen waa dhalinyaro , ( china) waa dawlad ka mid ah dawladaha hormarey , lknse hadii aad si fiican u sii daba gashid tariikhda chine waxaad ka helaysaa in ay ka dhacdey macluul ama gaajo aad u daran oo lagu tiriyo mid kamid musiibooyinkii ugu dhimashada badnaa ee soo mara dunida ( great Chinese famine ) oo dhacdey ( 1959-1961 ) waxa ku geeriyooday sida ay xusaan tariikhyahanadu ( 20-40 million ) maantana waa ay kasoo kabteen maxaa yeelay dhalinyaradoodu ma rajo gabin ee waxa ay ku hanweynaayeen in ay ka bixi doonaan macluushan waa ayna ka baxeen .

Hansaridu waa mid kamid ah calaamadaha guusha lagu xaqijiyo , tusaale waxaad in badan akhrisaa taariikhda hoggamiyihii cusmaaniyiinta ee maxamed faatix ( ( Mohamed the conqueror ) , waxa ay ku xustaa taariikhdu han sari , sida ay xusaan tariikhyahanada islaamku isaga oo yar oo dhiganaya malcamad waxa uu ka maqlay macalinkiisa nabiga NNKH in uu ku bishaareyey in la furan doono ( Constantine) oo hada ah caasimada turkey ee ( Istanbul ) waxa uuna ku hamiyey ama hankiisa galiyey in uu noqdo hoggankaas uu nabigu tilmaamey NNKH waa uuna noqday ugu danbeyn .

Ka fogow rajo gabka oo waxaad ka dhigtaa hankaga kor waxaad ku himisaa in aad dalkaaga hormar iyo dawlad wanaag aad ku hoggamisid , inta aad ku hamineysid side ugu tahriibaa dal , aadan u dhalan oo ay dhisteen dhalinyaradii lahayd , inta aad ka noqon lahayd taksiile dal , aadan u dhalan waxaa kaga fiican adigoo taksiile ka noqda dalkaaga , dhalinyarow tahriib iyo fakar xumo faa,ido keeni mayso ee dalkeena awoodeena ayuu u baahanyahay oo uu sugayaa u fakara side hormar u gaarsiinaa .

W,Q/ Maxamed Saalax Axmed

email : ibnu-salax007@hotmail.com