AWARE-SAWIR-2
Tan iyo malintii uu ku dhawaaqey inuu yahay Musharax madax weynaha Puntland wuxuu noqdey musharaxii ugu horeeyey oo kaga dhawaaqa caasimada Puntland Garowe(10-08-2013) tasoo uu ku muujiyey rabitaankiisa ku aadan in u loolamo Madaxweynaha Puntland 8 jan 2014. Waxaa durbadiiba bilaabatey guux iyo sawaxan dheer oo lagu tagerayo musharaxa waxaana laga soo dhoweeyey dhamaan deganada Puntland iyo dalka dibadiisa, waxaa la arkey qoraalo isdaba jooga ah, oo lasoo dhigay meelaha bulshadu kuwada xiriirto(Social Media-ha) taasoo lagu mujinaayo tageerada loo hayo musharaxa iyo maqaalo lagu dabacayo mareegyada somalida(websites),

Awaare iyo tageeradiisa Gudaha 

Isla durbadiba, wuxu guda galey olalihiisa doorashada wuxuuna safar gudaha ka bilaabey caasidamada Garoowe, isagoo ku kala bixiyey deganada Gobolka Karkaar iyo Gobolka Bari, wuxuuna la kulmay tageero shacbiyad badan oo aad usoo jiitey bulsha weynta dal-udug. Mar qura waxaa la arkey tv-yada somalida oo baahinaya isku soo baxyo aad ubalaraan oo lagu soo dhoweynayo, kuwaas oo kulmiyana dhamaan qaybaha bulshada ,waxey mujiyeen rabitaankoda ah in uu yahey Ali shaqsiga dalka badbaadin kara xaalada adag ee hada lagu jiro.

Awaare iyo shacbiyadiisa dibada 

Ayaamo kadib, Musharaxu wuxu u anbabaxey dalka dibadiisa isagoo tagerayaashisa usheegay in uu kulamo lasoo qadan dono qurba jogta iyo jaaliyada dibada, Wuxuuna safarkisii ka bilaabey Dalka Jabuti oo kulamo gaar gaar ah la qaatey madaxda dalkaas iyo Jaaliyada reer Puntland. Intii u jabuuti ku sugnaa.

Waxaa kaloo tageero weyn looga mujiyey caasimada dalka Sweden oo lagu qabtey xaflad lagu tagerayo laguna soo bandhigayey waxqabadkisa, waxeyna noqotey kulanki dibada ee ugu horeyey o musharax loo sameeyo.

Intaas kadib, Musharaxu wuxu u anbabaxey wadanka Kenya , waxaana lagu soo dhoweyey qeybta nasashada VIP oo u kulan gaar ah la qaatey Safiirka Somaaliya Kenya u fadhiya iyo Madaxdii Jaaliyada soo dhoweynaysan, kadibna wuxuu gacan qaadey tageerayaal badan oo wata sawiro iyo funaanado iyo koofiyado uu musharaxu ku sawiranyahey, waxuuna uga mahadceliyey sida waafiga ah ee ay usoo dhoweyeen, maalmo kadib waxaa loo qabtey xaflad aad ubalaran oo jaliyada reer Puntland ku mujinayaan tagerada ay u hayaan Awaare.

Isagoo wata safaradiisi dibada ayuu wuxu booqasho rasmi ah ku bixiyey dalka isku taga Emaaradka carabta, waxaana loo sameeyey habmaamus aan abid loo sameyn shaqsi Somaliyeed, waxaana kulan uu gaar ah isla markiiba la qaatey qunsulka somaliya ufadhiya emaratka iyo jaliyada reer Dubai , qadar nusaac ah kadib wuxu gacan qaadey dhamaan jaliyadi soo dhoweynaysay oo Airporka ku sugayey iyagoo ruxayey sawirada musharaxa, waxaana loo so galbiyey hotelka uu ka degayey Dubai.

Waxaa cajiib noqdey oo dad badan is weydiyeen habeenkii Jimcada o loo sameyey xaflad lagu tagerayo musharaxa oo lawaayey meel lakala maro waxaana kasoo qeyb galey dad weyne aad u faraba badan oo leh siyaasiyin xilal hore so qabtey ,ganacsato ,dhalinyaro iyo haween, waxaana sidoo kale goobta so camirey somalida kale iyo walaalaha reer jabuti ,reer kiilka Ethiopia iyo Somaali Kenya. Waxeyna noqontay xaflad aad uweyn oo aan abid shaqsi masuul Soomaliyeed ah loo dhigin.

isku soo wada duboo, Awaare ayaa ah shaqsi aad u shacbiyad badan, masuul wax qabad badan dalka kasoo qabtey, dad badan soo saarey, saxiibo badan leh, aan aheyn shaqsi garaafoyin siyaasadeed leh waana taas tuu ku kasbadey taageerada meelkasta uu tago u kala kulmay dhamaan bulsha weynta Soomaliyeed .

Hadaba akhristow soo mamudna Awaare in uu yahay Musharaxa keliya ee ku haboon qabashada hogaanka sare ee Dalka !!

Cisman maxmud cali (gooni)

Islamabad-PK