Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Ambasador  Augustine Mahiga  ayaa wacdaro qoob ka ciyaar ah wuxuu ka dhigay xaflad ay isagu yimaadeen Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka.

Xaflada oo heeso kala duwan lagu soo bandhigay ayaa ugu dambeyntii markii ay isku daba dhacdey oo qoob ka ciyaar la galay ayaa waxaa is hayn kari waayey oo xafladii jaanta la helay Mahiga oo si aan caadi aheyn ugu baashalay heesihii halkaasi laga qaaday ee Soomaaliga ahaa.

Intii uu socdey qoob ka ciyaarkaasi ayaa waxaa laga arki karey Mahiga oo si la yaab leh isagu badbadlaya gabdho Soomaaliyeed oo music la ciyaaraya kuwaasi oo ay ka helay qoob ka ciyaarkiisa.

Dad badan ayaa iswaydiinaya sababta ku xambaartey Mahiga in uu ilaa heerkaasi la gaaro hablo Soomaaliyeed oo qaarkood ay ku faraxsanaayeen qoob ka ciyaarkiisa.

Link Video hoose ka daawo baashaalka Music ee Mahiga.

Daawo

Yaasiin Faradheere
yaasinfaradheere@hotmail.com.