Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada midoobay ugu qaybsan arimaha Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa socdaal ku tagey magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka la magac baxay Somaliland.

Mahiga ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa waxaana halkaasi ku sugayey masuuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland.

Ambasador Mahiga ayaa garoonka diyaaaradaha ee magaalada Hargeysa waxaa loo dhigay roog cas oo aad u dheer oo loogu tala galay in uu ku socdo marka uu ka soo dego diyaaradii sidey, hase yeeshee Mahiga ayaa gees ka marey oo iska indho tiray roogaasi cas ee maamuus ahaanta loogu dhigay, arintaasi oo la sheegay in aad uga caroodeen madaxdii ka tirsendy maamulka Somaliland ee ku sugnaa garoonka.


Ambasador Mahiga ayaa kulamo kala duwan magaalada Hargeysa kula yeeshay madaxda maamulka Somaliland oo uu ugu horeeyo Madaxweyne kuxigeenka ahna kusimaha Madaxweynaha  Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxanaa socdaalkiisu uu ku soo aadayaa iyadoo uu ka maqan yahay Somaliland Madaxweynaha maamulkaasi Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Hayaan Faarax
SBC Muqdisho