Wasiirka shaqada Shaqaalaha dhalinyarada & Ciyaaraha Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle (Indhaguran) ayaa wareysi dhinacyo badan wuxuu siiyey warbaahinta SBC International isagoo uga waramay arimo kala duwan oo la xiriira hawlaha wasaaradiisa.

Wareysigan ayaa wasiirku wuxuu kaga hadley arimo ay ka mid yihiin nooca ay yihiin tababarada la siiyo shaqaalaha wasaarada dawlada, inay jiraan shaqaale dalka dibadiisa loogu tababaro iyo arimo kale.

Sidoo kale wasiirka waxaan wax ka waydiinay eedeymaha loo soo jeediyo wasaarada ee la xiriira in tababarada muhiimka ah ee soo baxa gaar ahaan kuwa dalka dibadiisa in aan loo bixin hab cadaalad ah oo ay dhacaan wax isdaba marin.

Hadaba arimahan oo dhan waxaa ka jawaabaya wasiirka oo wareysi dheer siiyey SBC International.

Halkan ka dhageyso wareysiga wasiirka