Xarunta wasaarada arimaha gudaha & horumarinta reer miyiga ee Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland waxaa habeenimadii xaley afar loogu sameeyey dadka barakacayasha ah ee ku dhaqan magaalada Garoowe.

Xafladaasi afar sharafka ah waxaa ka soo qayb galey xubno ka tirsan golaha wasiirada, xildhibaano, siyaasiyiin madaxbanaan, masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Nugaal, ururada bulshada rayidka, wakiilo ka socdey hay’adaha caalamiga ah & qaar ka mid ah dadka soo barakacay.

Dadkii ka hadley waxaa ka mid ahaa wasiirka arimaha gudaha Jen, Cabdilaahi Axmed Ilko Jiir, wasiir kuxigeenka wasaardaasi Cali Yuusuf, gudoomiyaha gobolka Nugaal, siyaasi Cali Cabdi Awaare oo horu u soo qabtey xilka wasiirka dawladaha hoose, madax ka tirsan hay’adaha caalamiga ah gaar ahaan UNHCR & waliba wakiilo ka socdey dadka barakacayaasha.

Link Audio hoose ka dhageyso codadkaasi.

Hadaladii wasiirka arimaha gudaha Jen. Ilko Jeer hoos ka dhageyso.

Halkan ka dhageyso

Hadalkii Siyaasi Cali Cabdi Awaare link hoose ka dhageyso.

Halkan ka dhageyso

Qaybtan ka dhageyso codadkii dadkii kale ee xafladaasi ka hadley.

Halkan ka dhageyso

 

Cabdinaasir Yaasin 
SBC Garoowe