Laba wiil oo mid ka mid ah uu haystey dhalashada Mareykanka ee shaley isku qarxiyey magaalada Muqdisho gaar ahaan fariisin ay degan yihiin ciidamada AMISOM iyo kuwa dawlada KMG Soomaaliya ayaa wareysi lala yeeshay ka hor intii aanay is qarxin.

Wiilashan oo magacyadooda oo sadexan aanay soo gudbin xarakada Shabaabka ayaa waxaa kaliya ee saxaafada loo soo gudbiyey mid kasta magaca ugu horeeyo oo lagu daray magacyo Carabi waxaana ay kala yihiin Aadan Al-Ansaaro & Cabdisalaan Al-Muhaajir oo ah wiilka sheegtey in uu ka yimid dalka Mareykanka sanadkii 2009-kii.

Hadaba Idaacad ku hadasha afka Shabaabka ayaa soo bandhigtey wareysiga lala yeeshay labadaasi wiil, iyadoo sidoo kale la soo dhigay codka wareysiga wiilashan baraha Internet-ka.

Link-ga audio-ha hoose ka dhageyso wareysiga lala yeeshay wiilashan ka hor inta aanay isqarxin.HALKAN RIIX

SBC Muqdisho

ahmedaar@live.com