Sida wararkaygii hore aad kula socoteen Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaarey wafdi kala ka socotey qaramada midoobay, waxaa wafdigaasi mid ka mid ah hogaaminayey wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay Augustine Mahiga, kuwaasi oo kala hadley madaxda dawlada KMG iyagoo kala hadley shirka qaran ee wadatashiga ee Soomaaliya ee dhawaan la qabanayo & qaabka uu hirgaliyo heshiiskii Kampala.

Hadaba shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen Ra’isalwasaaraha KMG Cabdiwali Maxamed Cali Gaas & Augustine Mahiga ayey kaga warbixiyeen arimaha ay ka wadahadleen hadaba wixii ka soo baxay kulamadoodii ka dhageyso Audio Player hoose.
Halkan ka dhageyso

Axmed Aar
SBC Muqdisho