Kalfadhigii 26-aad ee maalimadiis haley ka furmay xarunta golaha wakiilada Puntland ee magaalada Garoowe ayaa waxaa si kulul su’aalo & jawaabo isu waydiiyey Madaxweyne C/raxmaan Faroole & qaar ka mid ah xildhibanada golaha wakiilada, iyadoo su’aalahaasi ku aadanaayeen xaaladaha ka taagan xiligan Puntland oo ay xildhibaanadu ku dhaliileen madaxweynaha, hase yeeshee Madaxweynuhu uu si adag ugu gacan sayrey hadalada xubnaha golaha wakiilada qaarkood.

Doodaasi oo socotey mudo ayaa waxaa ugu kululaa laba xildhibaan oo kala xildhibaan Maxamed Guuleed oo madaxweynaha wax ka waydiiyey xaalada gobolka Sanaag gaar ahaan arimaha wadooyinka maamulku xirey oo uu xildhibaanku ku tilmaamay cunaqabateyn hase yeeshee ereygaasi uu madaxweynuhu ka soo horjeestey.

Sidoo kale Xildhibaan Saleebaan Yuusuf (Indha-buur) ayaa isaguna madaxweynaha su’aalo adag ka waydiiyey arimaha guud ee Puntland, sida Gobolka Mudug, xaalada deegaanada Puntland ee ku jira gacanta Somaliland, amaanka Garoowe, burcad badeeda, xaalada Sanaag, arimaha mushaar la’aanta ciidamada & arimo kale.

Madaxweynaha ayaa ugu jawaabay xildhibaanka

“Horta hadii aanan aqoon xildhibaan Indha-buur, hadii aanan aqoon hadalkiisa waan dhibsan lahaa, laakiin aqoon aan aqaan darteed hadalkiisa u dhibsan maayo, maxaa yeelay shakhsiyadiisa ayaan aqaan, maxaa yeelay waxa uu ka hadlayo oo uu ka ciil qabo ayaan garanayaa, waxa uu meesha ka sheegayna in golaha hortiisa laga sheego ma ahan wax xaqiiq ahna ma ahan, goormaa ciidan mushaar qaadan jiray anaga ka hor, goormaa dhaawacooda la daryeeli jirey anaga ka hor, goormaa sida aan u shaqeyno cid u shaqeyn jirtey ay jirtey ka sadexaad markii halkan nalaka doortey ka hor, waad ogeyd meeshaan, waxa aad sheegayso wax aan tafaasiishooda halkan ka sheegi karo ma ahan, ama aan ka ficil qaadan karayo ma ahan, mucaarid ma ihi baad tiri, mucaarad kan ugu xun baad tahay oo waliba doqon ah ayaad tahay, intaasi ayaan kuu sheegayaa” ayuu si kulul u yiri madaxweynuhu.

Hadaba Playerka hoose ka dhageyso dhamaan doodaasi dhexmartey madaxweynaha & xildhibaanadaasi.Dood kulul oo dhexmartey Madaxweynaha Puntland & golaha wakiilada

DAAWO SAWIRADA

SBC News Desk