Xarakada Al-Shabaab ayaa hadal ay soo saartey waxay ku sheegtey inay masuul ka aheyd weerarkii isku day ee qarax ee lala maaganaa in lagu qaarajiyo Col. Cabdi Qaybdiid ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Afhayeenka ciidamada xarakada Al-Shabaab Sheekh Cabdi Casiis Abuu-Muscab ayaa sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid ay u fuliyeen sida uu sheegay mujaahidiin yoolkoodu ahaa inay dilaan Col. Cabdi Qaybdiid, balse uu ka badbaaday, isagoo sheegay in laba nin ay fuliyeen weerarkaasi.

Abuu Muscab wuxuu farta ku fiiqay inay u beegsanayaan Col. Cabdi Qaybdiid waa sida hadalka uu u dhigaye in uu yahay nin ku caan baxay la dagaalanka shareecada Islaamka oo la shaqeeya cadowga Muslimiinta, waxaana uu sheegay inay beegsan doonaan xili kastana uuna gacantooda ku bixi doono.

Shir jharaa’id oo arimahaasi uu kaga hadlayo Abuu Muscab ka dhageyso link-ga audio hoose.Halkan ka dhageyso