Kismaayo- 2dan Askari ee ka soo goostay Ciidamada Dowlada KMG ah ee Soomaaliya ee ku sugan gobolka Jubada hoose islamarkaana ka mid ahaa ciidamada DKMG ah ee dhowaan qabsaday Dhoobley ayaa ku soo biiray ciidamada Xarakada Alshabaab ee ku sugan deegaan aan sidaasi uga fogeen Dhoobley .

saraakiisha xarakada Alshabaab ee ku sugan aagaasi ayaa SBC International u xaqiijiyay in Askartani ay ku hubeysnaayeen 2 ka mid ah qoryaha Fud fudud, waxayna intaasi raaciyeen in ragani ay ka mid ahaayeen askartii dhowaan la wareegtay Dhoobley ee DKMG ah.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ku kaliftay in ragani ay soo goostaan waxaase mid ka mid ah oo la hadlay warbaahinta uu sheegay in ay go’aansadeen in ay ka soo goostaan ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya .

Sikastaba ha ahaatee ma ahan markii ugu horeysay oo askar ka tirsan DKMG ah ay isku soo dhiibaan xarakada Alshabaab waxayna aheyd kal hore markii askar ka tirsaneyd ciidamada DKMG ah ay u soo goostaan dhanka xarakada Alshabaab.

C/qani Maxamed Cali
SBC International Kismaayo.