Mudooyinkan dambe ayaa waxaa isa soo taraya wararka sheegaya in dad ka soo goostay xarakada Alshabaab ay u soo galeen maamulka culimada Ahlusuna waljamaaca ee ka arimiya deegaanada gobolka Galgaduud.

Dhowaan ayay aheyd markii 3 askari oo ka tirsanaa Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ay u soo galeen ciidamada Maamulka Ahlusuna ee degmada Dhuusamareeb, iyadoona gudoomiye ku xigeenka Degmada Dhuusamareeb C/laahi C/nuur Barre Foor foor uu markale xaqiijiyay in rag ka soo goostay xarakada ALshabaab ay ku soo biiraan dhanka Maamulka Ahlusuna waljamaaca.

Saxaafada ayuu kula hadlay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka isagoona u sheegay in hal nin ay uu ku soo biiray Ahlusuna isalamarkaaana uu ka soo goostay xarakada Alshabaab.

Waxa uu intaasi ku daray Sh Foor foor in ninkan soo goostay ay la socdeen rag kale sida uu u sheegay islamarkaana la qabtay balse uu isagu isugu soo dhiibay maamulka .

Sidoo kale waxa uu baaq u jeediyay gudoomiye ku xigeenka dhallinyarada kale ee xarakada ku jirta ay isa soo dhiibaan ayna siweyn u soo dhaweyn doonaan waasida uu hadalka u dhigaye.

Sikastoo uu xaalku ahaadaba ma jiraan warar ka soo baxay xarakada Alshabaab oo ka hadlaya arinkani, noomana suurto galin xiriiro uu la sameeyay xafiiska SBC ee gobolkaasi xarakada Alshabaab in aanu wax ka helno.

C/Jamaal Macalin AXmed
SBC International Galgaduud