Labada koox ee ka dhisan dalka England Arsenal & Tottenham  ayaa waxay rabaan in ay la heshiiyaan weeraryahanka  dalka Argentine iyo kooxda reer Talayaani Inter Milan ee Diego Milito si ay u adkeeyaan jabhadoda weerareed.

Labada macalin ee kooxahan waxay si fiican ula dhaceen Diego Milito oo 31 sano jir ah kaasoo ku dhaliyay 27 gool 53 cayaar u u saftay kooxda Inter Milan,Waxaana lafilayaa in labada kooxood ay si adag ugu taratmaan helitaanlka laacibkan.Laakiin waxay u egtahay in kooxda Arsenal ay ku guuleesandoonto  helitaanka laacibkan, maxaayeelay  Milito wuxuu rabaa  in uu u  dheelo koox Champions league ku jirta waana Arsenal marka loo fiiriyo booska uu ay ku jirto ee ah sadaxaad ,halka kooxda Tottenham ay ku jirto kaalinta shanaad suurta galna ma aha in ay ka soo qeybgasho Champions league sanadka soo socdo hadii eena ka qabsan booska afaraad kooxda Man City.

C/fataax Mowliid Xaaji
fatahhaji@hotmail.com