Arsenal ayaa guul caaqibo leh ka gaartey galabta ciyaar adag oo soo celisay rajadii ay ka qabtey loolanka koobka English Premier League ka dib markii ay ku tumatey Manchester United oo marti ugu aheyd gurigeeda Fly Emirates. Ciyaarta oo aheyd mid si weyn labada kooxdoo isugu mindiyo lisanayeen maalmihii la soo dhaafay ayaa macalimiinta labada kooxood Sir Alex Ferguson & Arsene Wenger  waxay la soo shirtageen shax ay ku xisaabtamayeen in ay guul kala hoydaan ciyaartan oo muhiimad weyn laheyd dhinac kasta isla markaana kala saari karta rajada & quusta labada kooxood ee horyaalka.Arsenal oo marti loo ahaa waxaa macalin Wenger uu badaley shaxdii uu caanka ku ahaa mudooyinkan ee 4-3-2-1 oo caadiyan u noqonaysa 4-5-1 waxaana maanta uu qaatey 4-4-2 bacmdamaa uu dhaawac uga maqnaa kabtan Cesc Febferagas waxaa khadka dhexe lagu kabay Aaron Ramsey iyadoo weerarna ay joogeen Robin Van Persia & Theo Walcot, iyadoo dhexdna ay hayeen Aaron Ramsey , Samir Nasri, Jack Wilshere & Alex Song, taasi oo keentey in kubada mudo 45 daqiiqo ah ama qaybtii hore si wacan loo maamulay Man United oo si xarago leh looga sitey ball Possession-ka iyadoo marar gaaraysay 22-78 oo ay Arsenal kubada iska maamulanaysay.Macalin Sir Alex wuxuu isna la soo xaadirsay shaxdiisa caanka ah ee 4-4-2 waxaana afka hore u joogay weeraryahanka xiligan u iftiimaya Old Traford Javier Harnandez & laacibka reer England Wayne Rooney halka dhexdana ay maamulayeen Anderson, Carrick, Nani & Park J SungQaybtii hore ee ciyaarta waxaa Arsenal si weyn ugu dooday rigoore ay sheegeen in difaaca Man United Nemanja Vidic uu kubada gacanta ku taabtey xili uu isku dayey in uu difaaco kubad cross ah oo uu soo laanjeeyey weeraryahanka garabka midig Theo Walcott oo kubada la raadinayey Van Persia, isagoo Nemanja Vidic uu ku dhexjirey diilinta goosha laakiin calan wadaha ayaa taasi waxba ka soo qaadin.Markii laga soo laabtey nasashada oo ay bilaabatey qaybtii hore Arsenal waxay badal ku sameysay xidiga khadka dhexe Samir Nasri oo lagu badaley Andrey Arshavin.Daqiiqadii 56-aad ayaa kubad ay isku soo dhiidhibeen ciyaartoyda Arsenal waxaa lala soo galey soohdinta goosha Man United waxaana kubad caaqibo leh soo baasay Roben Van Persia oo maanta calaamada kabtanka gacanta ugu xirneyd, isagoo kubadaasi u soo dhigay ciyaaryahanka khadka dhexe Aaron Ramsey oo kubadii loo soo dhigay si qaabaysan oo degan toos ugu laaday goosha Man United, waxaana kubadaasi oo ka sii hoos baxdey lugaha ciyaaryahan Carrick ay si toos ah u ruxday shabaqa iyadoo ay u suurtagali wayday goolhayaha caanka Edwin Van Da Ser in uu badbaadiyo waxaana hal mar sacab & sawaxan la kacay taageerayaasha jidbsan ee Arsenal oo maanta si weyn u soo camiray garoonka Emirates oo ay ku sugnaayeen 60 kun oo qof in ka badan.Goolka Ramsey uu u dhaliyey Arsenal maanta ee guusha keenay wuxuu ahaa kiisii ugu horeeyey tan iyo bishii January 2010 xiligaasi oo uu dhaawac jab ah ka soo gaarey lugta midig.Goolka ay heleen Arsenal uma noqon mid u keena deganaan iyo raaxo oo waxaa ku batey weerarka ka imaanaya ciyaartoyda Manchester United iyadoo badal lagu soo galiyey daqiiqadii 74-aad weeraryahanka xiligan ugu goolasha badan Premiership-ka Dimitry Berbatov.

Qaybtii dambe ee ciyaarta inkastoo Arsenal ay heshay gool oo ay si weyn ugu mintidieen inay difaacdaan maadama aan lagu aqoon gool difaacasho sanadkan waxaa hadana si weyn ball Possession-ka & weerarka ula wareegay Man United oo geed dheer & mid gaaban u fuushay sidii goolkaasi ay u keeni lahaayeen guulna uga qaadan lahaayeen Arsenal.

Macalinka Arsenal wuxuu badal ku bixiyey Theo Walcott oo lagu badaley difaaca reer Ivrory Coast Emmanuel Eboue waxaana weerarka Man United si weyn jilibka ugu laabay daafaca Arsenal sida  Luaretnt Kosciely, Sebastien Squillaci oo lagu badaley John Djourou oo dhaawac loo bixiyey.Arsenal maanta waxaa guusha la oran karaa wuu u horseeday goolhayahooda da’da yar ee reer Poland Wojciech Szczesny kaasi oo si la yaab leh tiro ka dhawr jeer u badbaadiyey kubado laad xor ah (Free kick ) & laad toos ah (Shot on Target) si joogto ah uga imaanayey Wayne Rooney, Nani & Valencia  oo badal ku soo galey.

Laakiin daqiiqadii ugu dambeeyey weeryahanka Owen  oo lagu soo badaley Carrick ayaa ku qayliyey in daafaca garabka bixid ee Arsenal Glicy uu si ula kac goosha Arsenal dhexdeeda haraati dhulka kula tuuray isagoo dalbadey gool ku laad ama rigoore laakiin waxaa taasi madaxa ka ruxay garooraha ciyaarta oo wax kama jiraan ka soo qaaday dalabkaasi.

Afar daqiiqo oo lagu darey 90-kii daqiiqo ee ciyaarta loogu tala galay Arsenal guntiga ayay dhiisha ka dhigatey si ay Man United uga aargudato guuldaradii gurigeeda Old Traford ugu geystey 13-kii December ee sanadkii hore.

Inkastoo Man United maanta laga badiyey waxay hadana hogaanka ku haysataa 73 dhibcood waxaana Chelsea oo ku xigta ay leedahay 70 halka Arsenal oo kaalinta sadexaad ku jirta ay leedahay 67 dhibcood, Manchester City waxay leedahay 62 dhibcood Liverpool oo maanta ku badisey 3 gool waxay soo gashay kaalinta Shanaad iyadoo leh 55 dhibcood waxaana farqi dhanka goolasha ay ka qabsatey Tottenham kaalinta shanaad.

Sadexda kooxood ee ugu hoseysa kala horeynta kooxaha waxay kala yihiin Wigan oo ku jirta kaalinta 18-aad lehna 35 dhibcood, Wolves oo leh 34 dhibcood kuna jirta kaalinta 19-aad & West Ham oo maanta laga badiyey lehna 32 dhibcood kuna jirta kaalinta 20-aad ee ugu dambeysay.

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliidsons@gmail.com