Arooskii ugu balaarnaa aduunka ee ay isguursadaan lamaanayaal ayaa Talaadadii la soo dhaafay wuxuu ka dhacay magaalada Jakarta ee caasimada wadanka Indonesia.

Arooskan oo ka dhacay garoonka ciyaaraha ee Istora Senayan stadium ee magaalada Jakarta ayaa waxaa la isku guuriyey 4541 (Afar kun shan boqol afartan & kow) oo lamaane kuwaasi oo kala haysta diimo kala duwan sida Islaam, Catholic, Protestant, Buddhist & Hindu waxaana qabanqaabiyayaasha arooskaasi ay sheegeen in uu yahay arooskii ugu balaarnaa ee lamaanayaal loo dhigo ama ay dhigtaan.

Aroos wadareedkan ayaa waxaa soo qaban qaabiyey hay’ad lagu magacaabo Pondok Kasih Foundation & Telefishinka B Chanel ee wadankaasi, waxaa sidoo kale gacan ka geysatey dawlada Indonesia & shirkado ganacsi oo madaxbanaan, iyadoo ujeedada laga lahaa ay aheyd in la caawiyo lamaanayashan oo ah dad sabool ah oo aan ka bixi karin qarashka arooska, iyadoo laga wada bixiyey dhamaan qarashkii ku baxay arooskooda.

Hay’adaha soo qaban qaabiyey arooskan ayaa sheegay in dhamaan dadku ay yihiin kuwa leh hal mabda’a oo ah inay hal ILAAH oo kaliya ay caabudaan, isla markaana uu qayb ka yahay arooskan mid ku saleysan ilbaxnimada bulshada, midnimda & dimuqraadiyada.

Qabanqaabiyeyaasha aroosku waxay sheegeen in hay’ad fahdigeedu yahay wadanka UK oo lagu magacaabao Royal World Records ay u diidan galisay arooskan kii ugu balaarnaa, waxaase ay raadinayaan in buuga lagu kaydiyo laguna soo bandhigo waxyaabaha cajiibka ah ee aduunka ka dhaca ee loo yaqaan Guinness Book of World Records lagu soo bandhigo inkastoo website-ka buugaasi aan wali lagu soo daabicin ilaa iyo hada wax aroos wadareed ah.

Sheekooyinka la yaabka leh ee arooskan uu wato

Mid ka mid ah lamaanayaasha arooskan ayaa ah Asmar Salim & Marsiem, oo labadooduba  69 sano jir ah waxay isku guursadeen hab dhaqan Islaami ah sanadkii 1960-kii laakiin lamaanaha dhibaatada ku dhacdey waxay tahay 15 sano ka hor ayaa dab ka kacay gurigoodii waxaana gabi ahaanba gubtey wixii guriga u yiil oo ay ka mid ahaayeen diiwaankii arooskooda oo ay ka mid tahay waraaqdii cadeynta guurka, waxay sheegeen inaanay xiligaasi wixii ka dambeeyey awood u helin inay sameeyaan xaflad kale oo ay dib isagu guursadaan sababo dhaqaale waxaase ay ka faa’ideysteen aroos wadareedkan oo ay ka mid noqdeen kumaankii lamaane ee laga caawiyery arooska.

Iyagoo 13 caruur ah isku dhalay & 10 caruur ah oo ay sii dhaleen oo ay awoow u yihiin Asmar & Mariem talaadadii ay dib isku guursadeen, noocay doonto sheekadu ha noqotee.

Aprianus Taneo oo 30 sano jir ah & xaaskiisa  Jendelina oo 27 sano jir waxay isku guursadeen guur ku saleysan madhabka Protestant-ka ee diinta Kirishtaanka kaasi oo ka dhacay Kaniisad laakiin ma aanay heli  karin dhaqaale ay ku sameystaan xaflad aroos waxaana haatan ay ka faa’ideysteen barnaamijka caawinta lamaanayasha.

Aprianus wuxuu sheegay in aroos wadareedka ay u doorteen inay ka qayb galaan si ay u helaan waraaqaha guurka kaasi oo uu sheegay in uu sharci uga dhigayo wiilka ay isku dhaleen xaaskiisa.

“Arintan waxaan ka maqalnay kaniisad, waxaa naloo sheegay in ay tahay bilaash ama lacag la’aan, ka dibna waxaan go’aansanay inaan is diiwan galino, dhamaanteen waxaynu doonaynaa waraaqaha cadeynta guurka si wiilkeenu marka uu Iskoolka uu aado aynan dhibaato ula kulmin, hada arintaa fursadan” ayuu yiri Aprianus.

Aroos wadareedkan ayaa sidoo kale waxaa qayb ka ahaa lamaaney is guursanaya markii ugu horeysay, kuwaasi oo qaybta ay fadhiyaan si toos ah looga baahinayey Talefishinada.

Sharciga guurka ee wadanka Indonesia (Marriage Law 1974) wuxuu dhigayaa in aroos kasta xafladiisu ay ahaataa mid u dhacda hab waafaqsan diimaha laga ictiraafsan yahay wadankaasi inta aan la diiwan galin, guurka Muslimiinta waxaa qasab ah in laga diiwan galiyo xafiis hoosaadka arimaha diinta, halka aroosyada diimaha kale ay tahay in laga diiwan galiyo  xafiiska shacabka oo dib ugu sameynaya diiwan galin kale.

Indonesia oo ah wadanka ay nool yihiin Muslimiinta aduunka ugu balaaran waxaa sidoo kale dastuuriyan laga aqoonyahay diimaha kala Islaamka, Catholicism, Protestantism, Hinduism, Buddhism & Confucianism.

Lamaanayaasha arooskaasi ka faa’ideystey ayaa da’doodu u dhaxaysaa 16 ilaa 86 sano jir, waxaana ay ahaayeen kala diin, kala dhaqan & kala qabiil.

DAAWO SAWIRADA AROOSKA




Mowliid Xaaji Cabdi
mowliidsons@gmail.com