Xidigaha Xulka Arjantiin ayaa u Awood sheegtay Xulka Costarica oo ay ku wada jireen Guruub A,waxaana  Arjantiin oo si weyn u gacan sareysay labdii qeybood ee Ciyaarta ay ku dharbaaxeen Costa rica oo u bnaahneyd Bar bardhac kaliya 3-0 iyadoo Goolashaasi uu Daahfuray Weeraryahanka Naadiga Atleetico Madrid una qaata Lamabrka 16 Xulka Arjantiin Daqiiqadii 45 ee qeybtii hore ka dib dhowr jeer oo Arjantiin uu ka cunay Fursado Goolal loo filan karay Ciyaaryahan Gonzalo Hegguen oo sitay Lamabrka 9aad kaasoo Xuluuliska Xidiga Arjantiin  Messi la seegay  dhowr mar Goolka Costa rica waxaana lagu kala nastay qeybtii Hore 1-0 ay ku horeyso Arjantiin.

Meesi oo ahaa xidigii Garoonka kulankii ay Xalay saqdii dhaxe la yeesheen Arjantiin Xulka Costarica soona bandhigay Farsamooyinkii kubadeed ee looga bartay Marka uu u ciyaarayo Kooxdiisa Barcelona ayaa kuabd uu si wanaagsan ugu gudbiyay Daqiiqadii 52 Agguero waxa uu u labeeyay Costa rica oo meel laga jiro kala garan Weysay ka dib markii ay la yaabeen Awooda ka muuqatay Arjantiin oo ku soo tashatay Inay guuleysato si ay ugu soo baxdo Kalainta 2aad ee Gruubkooda A.

Waxa yar ka dib waxaa goolkii 3aad u raaciyay Costa rica weeraryahanka lambarka 7 u sitay Qaranka Arjantiin  De  Mario  oo sii raaciyay Fursad uu u soo hibeeyay Messi waxzaana ciyaartii ay ku soo gaba gabowday 3-0 ay ku badisay Arjantiin iyadoo Guruubka A ay ka soo kala baxeen Kolombiya oo leh 7 dhibcood iyo Arjantiin oo leh 5 dhibic,waxana gruubkaasi ku haray Costa rica oo keensatay 3 dhibic iyo Bolivia oo 1 dhibic heshay.

Tababare Batista ayaa Guusha uu ka gaaray Kulankii ay Xalay Saqdii dhexe la ciyaareen Xulka Costa rica waxaa aad u soo dhaweeyay taageerayaasha Arjantiin kuwaasoo ku tilmaamay in Markaan Tababare Batsiata fahmay Shaxda lagu Bilaabayo Safka hore ee Ciyaarta Arjantiin oo ay u saftaan xidigo Caan ah .

Weeraryahanka Reer Arjantiin iyo Naadiga Atleetico Madrid ee Dalka Isbeyn Sergio Agguerro ayaa Xaga Gooldhalinta 3 Gool ku hogaaminaya koobka 43 ee Laatiin Ameerica 2011 kana soconaya Dalka Arjantiin.

Link-ga Video-ga hoose ka daawo wacdaraha ciyaartii xaley ee Aragtine ku durdurisay Costarica.
Halkan ka daawo

Waxaaa diyaariyay.
Axmed Maxamed Cabdulle (uurdoox)
uurdoox2011@hotmail.com