Xiriirka kubadda Cagta ee Wadanka Arjantiin ayaa eryay Tababarihii Qaranka Arjantiin u Horkacayay Koobka 43 ee Laatiin Ameerica oo ay Sanadkaan 2011 ay martigaliyeen Wadanka Arjantiin Tababare Segio Batista oo Xulka Arjantiin Koob uu u qaado Iska Daayee aan soo gaarsiin Sami finalka,Xulkaasi oo Watay Xidigo Magac ku leh Caalamka uuna ugu Tun Weynaa Lional Messi oo 2 Sanadood ee ugu Dambeeyay Loo Caleemo Saaray Laacibka Aduunka.

Macalin Batista oo ka mid ahaa Xidigihii Arjantiin u qaaday 1986 Koobka Aduunka ee ka dhacay Wadanka Meksiko ayaa isagu Xulka Gaarsiin Koobkii Laatiin Ameerica 2011 halkii Laga Filayay waxaana Koobka Qaatay Xulkii ku Reebay Wareega 8 Urugway oo Wacdaro muujiyay intii Ciyaaruhu socdeen

Tababaraha Lagu Badalay Sergio Batista oo lagu Magacaabo Alejandro Sabella ayaa isagu horay ugu soo Ciyaaray Qaranka Arjantiin una qaaday 2 koob aduun iyo koobka Laatiin Ameerica,waxaana Saxaafadda Arjantiin Is weydiineysaa Maxuu soo kordhin doonaa Tababare Sabella oo Xulka Qaranka Arjantiin u diyaarin Doona Koobka Aduunka 2014 ka dhici doona Wadanka baraasiil iyo Koobka Laatiin Ameerica 2015 isna la qaban doono laguna Wado inay Barasiil ku wareejiso Martigalintiisa Wadanka Chile ee koonfur Ameerica.

Arjantiin Marka La eego Waa Xul ay u dhameystiran yihiin Xidigihiisa Hase ahaatee Taageerayaasheeda waxa ay ku dhaliilaan Halka laga heysto Xulkaan oo ka mida Xulalka Xiligaan Caalamka ugu weerar Kulul.

Axmed Maxamed Cabdulle’ uurdoox’
uurdoox2011@hotmail.com