Xulalka kubada cagta ee Argentina & Colombia  ayaa Xalay Ciyaar adag oo ka tirsan Koobka Laatiin Ameerica oo ay wada yeesheen waxa ay isla dhaafi Waayeen Waqtigii loogu Tala galay Ciyaartaasi Barbardhac 0-0 ah iyadoo labada xuli ay iska lumiyeen Fursado aad qaali u ahaa oo goolal lagu dhalin karay.
 
Waxa ay isku qaadeen labada dhinac Weeraro kal duwan 2 qeybood ee Ciyaarta walow inta badan Weerarka la isku qaadayay ay u badnaayeen Xulka Martigalinayya Koobka Laatiin Ameerica ee Argentina oo fursadaha ka lumay ay ugu muhiimaneyd kubad uu qeybtii hore ee Ciyaarta ka qasaariyay weeraryahanka Kooxda Naaboli ee Dalka Talyaaniga Lavezzi Waxaana Fursadaasi aad uga naxay ka qasaartay Argantina Tababarahooda batista oo u qaatay in Lavezzi Xareeyay.
 
Xulka Arjantiin oo Xalay aad ugu Dadaalay inuu la dheelmado 3 dhibcood ee Ciyaarta ayaa iska caabin xoogan kala kulmay Ciyaartoyda Xulka Colombiya,waxaana Mararka qaar fursado ay Colombiyiintu fisheen inay u dhalatay ka hortagay Goolhayaha Arjantiin oo Xalay Diidanaa in kuba ay dhaafto waxa uuna ku jimicsaday uguna booday sidii shabeelkii Laadad Madaafiic o kale ahaa oo uu ku laaday Gooldhaliyaha Xulka Kolombiya iyo Kooxda Fc porto 9 Falcoa waxaana Ciyaartaasi darbiga aheyd kana tirsaneyd Lugta labaad ee Guruubka A ee Koobka Latiin Ameerica ay ku soo idlaatay waqtigii loogu Tala galay 0-0 iyadoo Arjantiin ay ku dhameysatay 2 kulan oo ay ciyaartay Barbardhac waxaana u harsan kulan ay la ciyaari doonaan Xulka Costa Rica oo Gruubkaan Kaalinta ugu hooseysa kaga jira.
 
Tababare Batista oo ahaa Macalinkii Olombikadii Shiinaha 2008 u qaaday Xulak Arjantiin ayaa la is weydinayaa Ma ka bixi doonaa Xeyndaabka Barbaraha ee uu ku dhex jiro waxaana Tababarahani soo urursaday Xidigaha Faraha badan ay ka yaaban yihiin Taageerayaashiisu sida uu ku bilaabayo Safkiisa hore ee Ciyaarta isagoo Kurisga ku heysanaya Xidigo ay Macquul aheyd hadii uu hore u soo qadiman lahaa inay wax kiu soo kordhin lahaayeen Xulka Arjantiin helina lahaa messi rag uu kula baashaalo Baasaska kubada.
 
Guruub A Waxaa 4 dhibcood ku hogaamineysa Colombiya oo aan wali dhinaceeda dhulak la dhigin,waxaa ku xigta Arjantiin oo leh 2 dhibic balse ciyaartay 2 kulan,kaalinta 3 waxaa taagan Bolivia oo caawa la balansan Costa Riica, halka Kalainta ugu Dambeysa ay ku jiraan Costa Riica oo an wax dhibic ah hesysan balse kulankeeda labaad caawa Ciyaari doonta.

DAAWO SAWIRADA

 
Waxaa Diyaariyay
Axmed Maxamed Cabdulle (uurdoox)
uurdoox2011@hotmail.com