Barnaamijkan ayaa wax uu ahaa mid lagu Xaqiijinayay araga Indhah Ardayada Dhigata Iskoolaadka gaar ahaan Hoose /dhexe waxaana barnaamijkan Fulinayay Ardayada wax ka barta Jaamacada Bariga Afrika gaar ahaan Kuliyada Caafimaadka.
Barnaamijkan ayaa waxaa uu yahay mid lagu Xaqiijinayo Araga Indhah Ardayada wax ka barta Iskoolada Magaalada Boosaaso qaar ka mid ah iyadoo mantay laga Biulaabay Iskuulka Najax.
Barnaamijkan ayaa waxaa ka war bixiyay Maamule Ku xigeenka Kuliyada Caafimaadka ee Jaamacada Bariga Afrika Dr Maxamed Khaalid waxaana uu sheegay in barnaamijkan ay iska kaashanayaan Jaamacada Bariga Afrika ,Wasaarada Caafimaadka,iyo Ururka guud ee Caalamiga ah Xirfadlayda Soomaaliyeed isagoo sheegay in Barnaamijkan uu yahay mid loo baahnaa hadana uu noqon doono mid korah oo Natiijo laga gaaro hadana laga bilaabay iskoolka Najax.
Sidoo kale waxaa barnaamijkan ka war bixiyay Gudoomiyah Jaamacada Bariga Afrika ayaa wax uu sheegay in barnaamijkan ay Tabarucaad u bixinayaan ardayada wax kabarata Kuliyada Caafimaadka Jaamacada Bariga Afrika isagoo sheegay in ka jaamacad ahaan ay diyaar u yihiin inay wax walba oo ay awoodan ay u qabtaan dadka iyagu ku nool Puntland jaamacaduna ay tahay mid u dhisan umada soomaaliyeed.
Waxaa sidoo kale Barnaamijikan soo dhaweeyay Wasaarada Caafimaadka Puntland Qaybteeda Gobalka Bari oo ay wakiil ka hayd Johro Muuse Cilmi oo ah Madax Xarumah Caafimaadka Asaasigah ee Goablka Bari waxayna sheegatay in arinkan uu yahay mid ay hadaba argato faa,idadiisa iyadoo sheegtay inay marwalba garab taagan yihiin Jaamacada Bariga Afrika.
Barnaamijkan ayaa waxaa laga Fulin doonaa Qaar ka mid ah Iskoolada Kuyaal Magaalada Boosaaso Kuwaas oo ay ka mid yahay Janxa .Ugaas Yaasin iyo Shaafici iyadoo barnaamijkan ay soo dhaweeyen ardayda iyo macalimiinta iskooladaas .
Axmed Nuune
SBC International- Boosaaso