Jaamacadda Muqdisho maanata waxaa ka bilawaday imtixaankii finalka ee Semester -ka 2aad sanadka 2011/2012.

Waxaa imtixaankaa u fadhiistay dhamaan ardayda wax ka barata kuliyada iyo qaybaha kala duwan ee jaamacadda Muqdisho xarunteeda Bosaaso.

Xarunta jaamacadda muqdisho ee Puntland waxa la bilaabay sanad dugsiyeedkii 2008/2009,

Sanadkan waxaa ka qalin jabinaya dufcaddii 1aad ahna tii (12aad guud ahaan jaamacdda) oo dhamaystay waxbarashada heerka jaamacadeed takhasusyada kala ah: shari’a & law, social science, Mathematics & physics, Economics, Business Administration, Accounting iyo  Public Administration

Qaybaha kala ah  Compute science &Information technology iyo Banking & finance, ayaa kamid ah takhasusyada uu bixiyo campuska Bosaso

Dhanka kale, Jaamacdda muqdisho waxa ay waddaa Master iyo PhD takhasusyada MBA, IT, Education iyo Sharia & Qaanuunka oo ay iska kaashadaan  Jaamacadaha Upen University Malisia, Asian University iyo Umdurman Islamic University oo ku kala yaala dalka malesia iyo Sudan.

Sidoo kale, Jaamacdda muqdisho waxay ay bixisaa Dibloomooyin kaladuwan oo profisional ah Campuska Bosaso oo ah goob si aad ah loogu diyaariyay kuna haboon waxbarashada sare ee heerka jaamacadeed, waxaa la dhisay sanadkii 2009kii.

Jaamacadda Muqdisho waa jaamacad leh  aqoonsi  caalami ah  kana mid ah  40-ka jaamacadood ee ugu horeeya  Jaamacadaha Africa, xubinna ka ah  ururada  Jaamacadeed  ee dunida ugu waaweyn  ah sida:

  1. Midowga      Jaamacadaha caalamka Islaaamka (FUMI).
  2. Midawga      Jaamacaddaha wadamada carabta. ( AARU)
  3. Midawga      Jaamacadaha Afrika (AAU)
  4. Midawga      Jaamacadaha Caalamka (AIU).
    iyo kuwa kale.

 sidoo kale Waxaa Maanta oo Sabtiya Deegaanada Puntland  dhamaan  ka bilaamay Imtixaanaadka Santara laysadka  Iskuulaadka Sare/dhexe  waana mid sanad walba la qabto looona qabto dugsiyada dhexe /sare

Waxaa Imtixaanaadka fasalada Sare/dhexe  ka war bixiyay Maamulah Iskoolka Boosaaso sagan dari Iskool Siciid aadan waxaa uuna sheegay inay maantay u fariisteen arday gaaraysa 206 arday waxaa uu na sheegay inuu socon doono mudo lix maalmood ah 

Sidoo kale waxaa uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay dadaalka ay sameeyen ardayda maantay u faristay imtixaanka isagoo ku booriyay inay sii wadaan dadaalka

Siciid Aadan mamulah iskoolka Boosaaso ayaa waxaa uu sheegay in iskoolku yahay kan ugu wayn Boosaaso lagan qaybinaayay imtixaanaadka

Si kastaba ha ahaatee imtixaanada Dugsiyada Dhexe / Sare ayaa dhamaan mantay ka bilaamay Boosaaso

Daawo Sawirada
 


Axmed Maxamud Axmed
SBC International Boosaaso