Jaamacada Muqdisho maanta waxaa kabilowday imtixaankii Finalka ee simisterka 1aad sanad waxbarasheedeka 2011 2012.

Aradayda wax kabarata Jaamacada Muqdisho ayaa dhamaantood si isku wada mid ah ugu fariistay imtixaankaasi .

Aradayda imtixaanku ufurmayey ayaa laga dareemaayey udiyaar garowga imtixaanka iyadoo macalimiintuna ay wadeen taxadar badan oo ku aadan ilaalinta ardayda .

Hormuuda jaamacada muqdisho faraceeda Bosaso Prf Aadan Xero oo saxaafad kula hadalyey gudaha jaamacada Muqdisho ayaa kawar bixiyay furitaanka imtixaanka wuxuuna mahad balaaran ujeediyay Maamulka sare ee jamacada,waalidiinta dhalaya aradayda waxkabarata Jaamacada aradyda manta u fariisatay imtixaanka .

Prf Aadan Xerow ayaa sheegay in aradaydu ay si aad ah ugu diyaar garoobeen furitaanka imtixaanka wuxuuna sheegay in Jaamacadu ay xirii la leedahay jaamacado dibada ah .

Ugdanbeyntii Prf Xerow ayaa bulshada kula dar daarmay kobcinta aqoonta oo ah furaha nolosha.

Qaar kamida ardaydii manta imtixaanka u fariisatay ayaa dareenkooda ku cabaray faraxad iyo rayn rayn waxayna sheegeen in ay aad ugu farxsan yihiin waxbarashada heerka jaamacadeed ah ee ay ka heleen dalkooda hooyo waxyna dhalinta kale ku booriyeen in dalkooda wax kabartaan.

Jaamacada Muqdisho waa jaamcada kaliya ee ay haweeni wax kadhigaan waana mida ay kaga duwantahay jaamacadaah kale ee kajira dalka.

Prf amina Kamaala oo ah bare ka tirsan Jaamacada Muqdisho oo kahadlaysay qaabka u imtixaanku manta uga furmay Jaamacada Muqdisho ayaa ku sheegtay mid mudan amaan Prf ayaa amaantay aradayda wax kabrta jaamacada Muqdisho oo ay sheegtay in ay siwanaagsana ugu diyaar garoobeen imtixaanakan ,

Prf Amina ayaa Bulshada ugu baaqaday in ay dhiiri galiyaan waxbarashada jaamacadaha ee kajirta dalka waxyna sheegatay in heerka waxbarosho ee Jaamacada Muqdisho tahay mid la dhiganta Jamacadaha kale ee aduunka .

Jamacada Muqdisho waxaa la aasa aasay Sanadkii 2008/ 2009 waxayna ka koobantahay afar koliyadood oo kala ah .

Shari,a & low,social sacience, Mathematics& Physics, Economic,Business adminstaration, Acconting, Public adminstaration, Banking&Finance, Computer sciense& Information technology.







Cismaan Saalax Ismaaciil

SBC International Boosaaso.