Barnaamijkan ayaa waxaa uu ahaa mid loogu kuur galayo hababka ay ugu dhacaan cudurada kala ah Dhiig karka iyo Sokorta Dadka ku Nool Magaalada Boosaaso .

Waxaa Barnaamijkan Fulinaayay  Ardayda Kuliyada Caafimaadka ee Jaamacada Bariga Afrikan iyadoo ay Maal Galinaysay Shirkada Golis .waxayna Munaasabada Lagu soo Bandhigayay Barnaamijkan ka dhacday Hoolka Rugta Ganacsiga iyo Warshadah Puntland .

Barnaamijkan Munaasabada lagu furaaayay ayaa waxaa ka soo qayb galay Madaxda Shirkada Golis ,Mamulka Jaamacada Bariga Afrika ,Ganacsato .Wax garad iyo Ardaydii iyagu fulin lahaa barnaamijkan.

Ugu horatii waxaa halkaa ka hadlay furayna barnaamijkan lagu baarayo sababah keenah cudurada aan horay ku soo xusnay  Gudoomiyah Rugta Ganacsiga Maxamuud Xayir Ibraahim oo isagu sheegay in maanatay halkan wax lagu soo bandhigayo ay tahay wax lagu farxo isagoo mahad balaaran u jeediayay dhamaan Mamulka Jaamacada iyo Shirkada Golis waxaana uu sheegay in uu barnamaijkan ah la soco heerka ay maraayaan sonkortaada iyo dhiig karkaaga  taasina y tahay horamar la gaaray madaama ay maanatay dhalintii dalka ay noqonaayaan kuwo caawiyah Bulshadooda.

Sidoo kale waxaa halkaa ka hadlay Arday ku hadlayay Magaca Ardayda oo lagu Magacaabay Maxamed Siciid oo isaqgu in badan ka hadlay mawduuca ay qabanaayan iyo mudad ay soconaayo barnaamijkan inay noqon doonan kuwo iyagu ku dhiirada inay wax badan ka soo saaraan si ay jawaab cad u helaan.

Intaa kadib ayaa waxaa makaroofanka lagu soo dhaweeyay Madaxa kuliyada Caafimaadka Dr Abshir Cali Cabdi oo isagu sheegay in uu mahada koowad uu u celinaayo Ilaahay oo suurto galiyay in Ardayda Keentay Fikirkan ah inay wax u qabtaan dadkooda isagoo sheegay inay ardaydu ay taas tahay miday iyagu fakareen waxaana uu mahad balaaran u jeediyay  Shirkada Golis oo uu sheegay inay tahay mid mar walba harmuud u ah dhamaan arimah Bulshada taasna ay ku amaanantahay.

Intaa kadib waxa  isan halkaa ka hadlay  Hogaanka Xirirka Dadwaynah Shirkada Golis  Faarax  Xaaji Mire oo isagu mahad balaaran u jeedyay dhamaan ka sooq ayb galayaashii munaasabadaas isagoo sheegay in mantay arinkan ah hubi Caafimaadkaaga gaar ahaa halka uu maraayo Dhiig gaaga iyo Macaabtaada  intaa kadib waxaa uu sheegay in shirkada Golis ay diyaar u tahay wax walba oo horamar ah oo ay dhalinta  soomaaliyeed ay rabaan ay diyaar ula yihiin  isagoo sheegay inay arinka aad ugu farxeen markay maqleen fikirka isagoo ugu dabayntii mahad u celiyay jaamacada bariga afrika

Si kastaba ha ahaatee  Barnaamijkan ayaa waxaa uu ahaa kii ugu horeeayay ee lagu qabto Magaalada Boosaaso gaar ahanay ay fuliyaan ardayda Jaamacada Bariga Afrika waxaana uu socondoonaa mudo Afar bari ah iaydoo la sheegay in dadka ay doonaayaan inay maal mahaa ku sameeyaan ay gaaraayaan 400.ilaa 500 boql oo qof .

Sawiro




Axmed Nuune
SBC International Boosaaso