Ardayda wax ka barta jaamacada Bariga Africa kuuliyadeeda caafimaadka ayaa maanta maamulka ispitalka Garoowe ku wareejiyey qalab caafimaad.

Qalabkan caafimaad ee lagu wareejiyey maamulka ispitalka guud ee Garoowe oo ay soo iibiyeen ardayda dhigata kuliyada caafimaadka ee jaamacada Bariga Africa ,  waxaa ugu muhimsanaa oo isbitaalku baahiwayn uqabay mishiinada  ogsojiinta iyo qalabka kale qiimahooda ku kacay lacag ka badan 2500 oo doolar  lacagtaasi oo ardaydu iska soo ururiyeenmarkii ay ogadeen baahida xogan ee qalabkaasi loo qabo  mudadii ay fasaxa jaamacada ku jireen oo aytababar ku qaadanayeen isbitaalka Garoowe .

Munaasabad qalab wareejin iyo saagotinta aradayda oojaamacada ku laabanaya iskugu jirtay oo lagu qabtay ispitalka guud ee Garoowewaxaa ka qayb galay  madaxda wasaaradacaafimaadka  maamulka iyo dhakhaaatiirtaisbitalka maamulka iyo ardayda jaamacada Bariga Africa faraceeda Garoowe .

Agaasime ku xigeenka ispitaalka Garoowe C,risaaq Jaamac taraag ayaa  ardayda uga mahadceliyey qalabka ay soo gaarsiyeen waxaana uu ku booriyey ganacsada iyo dadwaynaha kudhaqan Garoowe in ay wax ka qabtaan baahida isbitaalka .

Maxuyadiin Xasan oo ka mid ah ardayda qalabkan soo iibiyeyee dhigta kuliyada caafimaadka ee jaamacada Bariga Africa ayaa sharaxay qalabka iyo baahiya dareen mudadii ay ispitalka Garoowe  ka shaqaynayeen, waxaanu sheegay in qalabkan ay muhiimad weyn u leeyihiin mukaanka isbitalka ku jira.

Wasiir ku xigeenka wasaarada caafimaadka Puntland Maxamed Xasan Ducaale ayaa ku tilmaamay wax qabadka ardayda mid ku dayasho mudan islamarkaan aad loogu baahanaa waxaana uu ku booriyey ganacsatadu in ay ka qaybqataan wax u qabashada isbitaalada .

Ardayda  jaamacada Africa kuliyeedada caafimaadku waxaa ay horay Garoowe uga samayeen olole shacabakalagaga baarayo cudurada dhiig kar iyo macaan iyagoona magalaada boosaaso dadkabarkacayasha ah u sameeyey baritaano iyo daawayn lacag la.aan ah.

Sawiro








Maxamed Siciid
SBC International Garoowe