Xafladani oo ahayd mid si heer sare ah  loo soo agaasimay ayaa ardayda loogu qabtayKulliyadda Tababarka Macalimiinta Garoowe ee GTEC,Waxaana kasoo qaybgalayMadaxda kakala  socotay  dowladda,Howlwadeenadda Xafiisyadda Jamacaddaee Soomaaliya iyo Puntland,Barayaasha Jamacadaha Gudaha,Masuuliyiin ka socotaDalka Yemen,Maamulka Shirkadda Isgaarsiinta Golis oo gacan ka gaysatayhirgalinta Jamacadaan ,Saladiin ,Waalidiin ,Arday iyo dadweyne lagu casumay kasooqayb galka xafladaani .

Uguhorayntiiba waxaa xafladaani daah furay Cismaan Abshir Nuur oo ah MadaxXafiiska Puntland ee Jamacadda Culuumta iyo Tiknolojiyadda ayaa ku dheeraadaymarxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay howshan lagu hirgalinayey jamacaddanin si online ah arday wax ugu bartaan,sheegayna in ay soo kordhiyeen Kulliyadocusub oo aad loogu baahnaa isla markaana ay jamacadaan tahay mid shahadadeedalaga aqoonsaday dafaha caalamka oo idil.

Dr.RidwaanMaxamed Xirsi oo isna ah Wakiilka soomaaliya iyoGeeska Africa ee Jamacaddani  ayaa qaatay hadalka Waxaana uu ka hadlayjamacada iyo meelaha ay soomaaliya xarumaha ku leedahay isagoo xusay in dalkalaga horgaliyey jamacaddan 2002 ayna xarumo ku leedahay Mudisho ,Hargaysa iyoBoosaaso .

CisaamQaalib Racad waa Masuulka Yemen u qaabilsan arrimaha Ardayda Jamacadaha waxaauu isna kazoo qaybgalay munasabadda qalin jabinta ah waxaa uu sharaxad koobanka bixiyey jamacadda oo uu sheegay in dalka Yemen laga furay sanadkii 1994,waxaa kaloo uu xusay in 17 dal ay xafiisyo ku yeelatay ayna tahay jamacadiiugu horeysay eek u guulaysata Jaaisadda Tacliinta Furan ee Jaamacadaha Carbeedoo idil.

Wasiirkuxigeenka wasaaradda waxbarashada puntland C/.raxmaan Diiriye Carab ooxafladasi qalin jabinta hayd  soogabagabeyey ayaa u mahadceliyey Dowladda Yemen ee lahayd hindisahan ,WakiiladdaJamacadda iyo Cid kasta oo gacan ka gaysatay dadaalkan, waxaana uu sheegay inwasarad ahaan ay aad ugu faraxsanyihiin ayna soo dhaweynayaan jamacaddanidaamkan dadku uga faaiidaysanayan ,

taniay la mid tahay deeq waxbarasho oo ay soomalida ugu deeqday dowladda Yemeniwaayo ardayga waxaa loo sahlay in cilmiga gurigiisa loogu siyaado kana codsadayianay soo dagaan dalka iyagu  ay ufududeeyaan ianay siiyaan dhulkii ay dagi lahayd jaamacadaasi ..

Ardaydaan oo wax kaga baranaysay habka Onlineka JamacaddaCuluumta & Tkinolojiyadda ee dalka yeman ayaa soo gabagabeyey waxbarashoaysoo wadeen  mudo 4 sano ah kuliyadokala duwan oo ay ku qateen Darajada kowaad ee shahaadada Jamacadeed (Bachler )mudoyinkii   danbana waxaa ku soo  badanayay Gudaha wadanka soomaaliyadhigashada jaamacadaha ku yaala dalka dibadiisa ee wax loogaga baranayo habka Onlineka ah waana mid ka mid ahwaxbarasahda ballaaran eek u socota gudaha wadanka soomaaliya, waxayna ka midtahay jaamcadaani kuwa ugu waawayn bariga dhexe iyo caalamka Guud ahaanbawaxayna  ka furantahay 17dal .

Sawiro









Yusuf  Maxamed Maxamud {Yusuf Yare}
SBC Inrernational Garoowe