Iyadoo ay jirtay  dood balaaran oo ka dhalatay deeq dhowaan dowlada Turkiga ay qaab waxbarasho ugu deeqday ardayda Soomaaliyeed gaar ahaan inta ku soo aaday reer Puntland ayaa hadana waxaa soo baxaya warar sheegaya in ardaydii laga qaaday Imtaxaanka ee ku guuleystay deeqaha waxbarasho laguna waday in ay Turkiga tagaan loo wareejinayo dalka Sudaan,

Arintaasi ayaa waxaa ka warbixiyay oo u waramay SBC International Wasiir ku xigeenka wasaarada Waxbarashada Dowlada Puntland Maxamuud Maxamed Idiris.

Waxa uu wasiir ku xigeenku sheegay in arintaasi ay jirto islamarkaana ay ka mid yihiin ardaydaasi kuwii helay waxbarashada heerka jaamacadeed ayna isugu jiraan kuwo ka soojeeda Puntland iyo meelo kaleba sida Galmudug.

Ku dhowaad 12 Arday ayuu sheegay wasiirku in bedelkaasi lagu sameeyay isagoonta intaasi raaciyay in loo bedelay jaamacado ku yaala wadanka Sudan oo uu leeyahay Turkiga, maadaama Jaamacadaha Turkigu ay fariisimo kala duwan ku leeyihiin wadamada Caalamka .

Mar aynu weydiinay Qaabka lagu xulay ardaydan loo bedelay jaamacad turkiguleeyahay oo ku taala dalka Sudan ayuu sheegay in aanay ka Puntland ahaan arintaasi ka soo bixin balse ay kaga timi dhanka wasaarada waxbarashada Dowlada KMG ah ee Soomaaliya oo iyagu leh xulista Ardaydan 12ka ah.

In ka badan 4000 oo Arday ayaa bishii aynu soo dhaafnay u fariistay Imtaxaan loo galayay Deeqda waxbarasho ee ay Dowlada Turkiga ugu deeqday Ardayda Soomaaliyeed iyagoona ugu dambeyntii helay arday 118 gaareysa oo dhanka Puntland kuwaas oo iminka qaarkood ka dhoofay dalka islamarkaana u kicitimay dhanka iyo dalka Turkiga .

SBC International Boosaaso