Iyadoo mudooyinkii la soo dhaafay ay jireen warar ifafaalo ah oomuujinayay in dhalinyarada soomaaliyeed gaar ahaan kuwa reeer puntland lagueedeynayay ku lug lahaanshiyaha amni darida ku biirista burcad badeeda,iyo inay naftooda ku biimeeyaan tahriibta ayaa dhinaca kale waxaa isa soo tarayaqabashada barnaamijka farsamooyinka gacanta ee loo qabanayo dhalinta si loogaweciyo wadooyinka xun xun.

Hadaba waxaa magaalada Garowe lagu qabtay xaflad lagu soo bandhigyayilaa afartan arday oo farsamooyin ay ka mid yihiin Korontada,Faryaamada,Dhismaha,tubiistaha,Alxanka,Computerka,iyo Dawaarka  loogu qabtay xaruntatababarka farsamada gacanta ee magaalada Garowe,iyadoo ay ka qeybgalleen madaxka tirsan Puntland iyo qaar ka mid ah qeybaha bulashada rayidlka.

Eng-Maxamed Diiriye Laalac oo ah maamulaha  xarunta tababarka farsamooyinka gacanta oo kahadlayay goobta lagu soo bandhigayay ardeyda baratay farsamooyinka gacanta ayaawaxaa uu ka wramaya waxyaabihii ugu muhiimsannaa ee ay barteen ardeyda..waxaanauu sheegay in ay barteen xirfado ay ku shaqataan oo ay ku shaqaystaan islamarkaaana ay hada  marka ay shahaadoyinkaay qataan ay helidoonan shaqooyin wanaagsan oo loo soo tababaray

Cismaan guureey Kaalshe oo ah madaxa mashruucan ayaa dhankiisa kawaramay faa’idooyinka gaarka ah ee ay u leedahay ardeydii dhameysatay mudadasadaxda bilood farsoomiyiinkaasi gacanta uga  weeciyo waxyaabaha dhiabaatoyinka ah eedhalinyaradu ku dhaqaaqan oo ay ka mid tahay burcad badeeda iyo tahriibta.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Cadaaladda diinta iyo Arimahadhaqalinta Puntland maxamed Siciid Hussein ayaa ka waramay siyaasada puntlanduga aadan wax u qabashada dhalinyarada shaqo la’aanta ah .waxaana uu tilmaamayin ay tahay xirfad u samaynta iyo tababarida si ay u helaan xirfado ay kushaqaystaan oo ka joojiya in ay ku biiraan burcadbeeda isla markaana ay faaidowayn u leedahay dhalinyarada reer puntalnd in ay bartaan xirfadaha gacanta lagaqabto.

Hase ahaatee dufcad xiligan ka baxday xarunta tababarka farsamadagacata ayaa wxay noqoneysaa tii todobaad ,iyadoo afartan kale oo ka mid ahnadhalinyaraasi ay doonayaan in ay xaruntan ka bartaan farsamooyinkasi gacanta siay mustaqbalka dhow uga manaafacaadaan.

Sawiro






Maxamed Siciid Yuusuf
SBC International Garoowe