Aradaydan Maantay Imtixaanka u fariistay  ayaa wax ka baran doona Jaamacada Muqdisho Kuliyadaheeda Kala duwan ,

Imtixaankan Ay u fariisteen Ardaydan Wax ka Baran doona Jaamacada Muqdisho Faraceeda Bosaaso  Sanadka 2012 …2013 ayaa waxay ka kala yimaadeen Dugsiyada Sare ee Puntland

Amuuraha Imtixaankan ayaa waxaa ka warbixiyay Hormuudka  Jaamacada Muqdisho Faraceeda Boosaaso Proff Aadan Axmed  Xuseen Xerow  waxaana uu sheegay in ay aad ugu Faraxsan yihiin in ay maantay Arday aad u badan ay u fariistaan imtixaanka Aqbalaada Jaamacada isagoona ugu Hanbalyeeyay Shacabka Soomaaliyeed meel walba ay joogaan

Intaa kadib ayaa wax uu sheegay in Jaamacada ay soo dhawaynayso ardayda Cusub ee sanad Wax Barasheedka 2012  2013 isagoona u Rajeeyay in ay noqdaan kuwo ku Guulaysta Hamigoda ay u yimaadeen Jaamacada muqdisho.

Sidoo kale waxaa uu Mahad Balaaran u jeediyay Waalidiintii iyo Macalimiintii wax soo Baray Ardayda Maantay u Faristay Imtixaanka Aqbalaada Jaamacada muqdisho

Ugu dabaytii Proff Xerow ayaa wax uu sheegay in Dhamaan Mamulka iyo Macalimiinta Jaamacada Muqdisho oo isku Duuban ay soo Dhaweenayaan ardayda isagoo wax yar ka xusay Xiligii   Dhidibada Loo Taagay Jaamacada Muqdisho ee Puntland   Isgoona Sheegay in Jaamacada La Asaasay  2008/2009  iyadoona ay ka qalin jabiysay Jaamacada Dufcadii 2 baad Sanadkan  Xarunta Boosaaso gud ahaana  Midii 13 naad  ee jaamacada

Sidoo kale waxa dareenkoda Cabiray Ardaydii iyagu u Fariistay imtixaanka Aqbalaada Jaamacada Muqdisho Faraceeda Boosaaso Sandka 2012/2013 iyagoo sheegay in ay aad ugu Faraxsan yihiin maantay imtixaanka ay u fariisteen

Jaamacada Muqdisho ayaa waxay ka mid tahay 40 jaamacadood ee Adduunka Ugu horeeya .

Sawiro