Waxaa baargaal ka dhacday Xaflad shahaadooyin lagu siiyay arday dhamaysatay tababar caafimaad , Xafladda oo ahayd mid kooban ayaa waxaa kasoo qayb galay Masuuliyiin sar sare oo ka socday ururada Bulshada , Ganacsato , iyo culumaaudiin iyo marti kale oo lagu casumay xafladda.

Ugu horayntii xaflada waxaa daah furay maamulaha machadka caafimaadka ee horyaal , Mudane  siciid maxamad maxamuud ( siciid dhagiig ) oo ka hadlay dadaalka ay u galeen in ay soo saaraan arday si wanaagsan loogu tababaray xirfadda caafimaadka ,

Siciid dhagiig ayaa si qoto dheer uga hadlay , baahida caafimaad ee xoogan ee ka jirta degaanka, taas oo ku kaliftay ayuu yiri inaan abaabulno Furitaanka machad caafimaad oo soo saara dad xarumaha caafimaadka ka hawl gali kara  iyo kalkaaliyaal caafimaad .

wuxuuna intaasi ku daray in  ardayda  ka qalanjabisay machadka caafimaadka ee horyaal   in ay heleen inta ay baranaayeen maadada caafimaadka oo dhamayd muddo  lix bilood  ah , tababro joogto ah sida loo durro dadka , iyo shanta qaybood ee uu u qaybsamo duriinku , tollida iyo sida loo rakibo faleembada iyo waliba sida ugu haboon ee loogu gargaaro qofka shilka galay , iyo sharciyada kaalkaaliisinimada iyo ujeedooyinka loo barto caafimaadka

Dr. Siciid dhagiig ayaa sidoo kale xusay in ardaydani ay soo qaateen dhamaan cuddurada faafa iyo wax yaabaha sababa cudurada , kahortaga iyo daawooyinka guud , quudinta , lafaha , qaab dhismeedka jirka  iyo dhaaamn qaybaha kala duwan ee gargaarka degdega ah

waxaa kadib ka hadlay xaflada macalimiin , ganacsato , oo dhaamn amaan u soo jeediyay machadka caafimaadka ee horyaal iyo maamulkiisa , ayagoo sheegay in ay jirtay baahi xoogan oo loo qabo adeegyada caafimaadka degaanka gudihiisa

ugu danbayntii waxaa lagu gudoonsiiyay ardaydii dhamaystay tababarka caafimaad shahaadooyin  , ardaydaas oo dhamayd 16 gabdhood  , waxaana isla goobtaa ka bilaaban tay diiwaangalinta ardayda dufcada labaad.




Maxamed ibraahim Axmed
Baargaal