Xafladan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galay Madaxada Gobalka Bari ,Hayada UNDP ,Madax ka socota Maxkamada Sare iyo tan  Rafcaanka,iyo Ardaydii dhamaysatay kuliyadan lagu baraayay shareecada  ,Waxayna ka dhacday Hoolka Wayn ee Jaamacada Bariga Afrika ee Magaalada Boosaaso Xarunta Gobalka Bari.

Ugu hoarayntii waxaa Xaflada ka hadalay sh,maxamed macalin oo ahaa  Camiidka Kuliyada  Shareecada   isla markaana wakiil ka ahaa Gudoomiyah Jamacada ,waxaana uu ugu horayntii mahad balaaran u jeediyay Madaxda gobalka iyo tan Degmada oo iyagu goobjoog ka ahaa Xafladaas sidoo kale wax uu aad ugu mahad celiayay Hayada UNDP oo iyadu maal galisay aradaydan la baray Kuliyada shareecada  ,inaa ka dib wax uu sheegaqy in xafladan ay thay mid loo qabatay arday dhamaysatay kuliyada shareecada mudo dhan lix (6 bilod )isagoo sheegay in ardaydan la baray shareecada ay yihiin kuwo loogu talagalay inay wax ka qabtaan  ama ka shaqeeyan Maxkamadah Puntland iyagoo wax bartay waxna ka badali doonan sharciga iaygoo raacayaah waxay barteen

Sidoo kale waxaa halkaa ka hadlay Nuur Hassan Ciise oo ah  Gudoomiyah Maxakamada Rafcaanka isla markaana Wakiil  ka ahaa Gudoomiyah Maxkamada Sare oo isan sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in ay mantay Kuliyada shareecada mudo lix bilood  (6 bilood ) ah ay qaataan rag gaarayah shan iyo labaatan (25 ) oo iyagu ka shaqayn doona qaybah kala duwan  ee Maxkamadah ku yaal Puntland isagoo sheegay in aysan ahayn mid intaa ku e kaan doonta barashada ay barteen kuliyadan ,waxan uu sheegay in wax lagu farxo ay u tahay dadka rer Puntland.

Waxaa Xaflada isaguna ka hadlay Ku Gudoomiye Ku Xigeenka Gobalka Bari Yuusuf Muumin Bide waxaana ugu horayntii mahada aan la soo koobi karin ujeediyay  Jaamacada Bariga Afrika oo uu sheegay in ay tahay mid dalka wax badan u qabatay wax uu sidoo kale mahad u jeediyay  Hayada UNDP ah hayad maal galisay ama suurta gal ka dhigtay in uu fulo mashruucan wax un aintaa kadib sharaxay mahiimada ay leeyihii 25kan arday ee ka qalan jabiyay Kuliyada Ahareecada oo uu sheegay in Dowlada ay qayb ka yihiin loona bahnaahadan ay rajeenayaan in ay wax badan taridoonan dadka iyo dalkaba  isagoo kula dardarmay in ay siday wax u barteen Dalka iyo Dadkaba ugu shaqeeyan sharcigay barteena ku xakumaan kuna wadaan hawlah loo idmaday ee juhdiga ay ku biciyeen.

Goobta Xaflada waxaa isna ka hadlay axmed siciid oo wakiil ka ahaa  Hyada UNCP oo iyadu suurto galka dhigtay in tirada intaa leeg ay bartaan shareecada waxana  uu na sheegay in ay intaa ku ekaan doonin ay sii wadi doonan howsha ay la hayaan Dowlad  Puntland Hayadauna ay sii kordhin doonto hawsha  ay hada hayso

Ugu danbayntii waxaa Xaflada soo xiray Duqa Degmada Boosaaso Xasan Cabdala Xasan oo isna sheegay in wax aad loogu farxo in ay tahay arintan isagoo sheegay in mahad kowad ay leedahay  Jaamacada Bariga Afrika ee iyadu mar walba diyaarka u ah wax walba oo Dadka iyo Dalka dan u ah inay qabato isagoo sheegay in ragan manatay shahaadad qaadanayah looga baahan yahay inay intaa ku ekayn waxa barshada dhanka shareecada ee ay sii wadan isagoo dhanka kalena sheegay in nin walba meeshii ku ka yimid wax tar ula laabto si  wax uu bartay ugu faa ,ideeyo dadka

Waa markii ugu horaysay ee Jaamacada Bariga Afrika ay ka qalan jabiyaan arday noocan oo kale ah oo iyagu bartay  Kuliyada shareecada oo iyagu ka shaqayn doona Maxakamadah Kuyaal Dowlada Puntland.

DAAWO SAWIRADA






Axmed Nuune

SBC International Boosaaso