Madaxwaynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamud Faroole isbadalka uu ku sameeyay Golihiisa xukuumada waxaa ay ahayd mid si wayn dadku ay u sugayeen marka loo eego Xumada aan wali wax sidaas u waynayn aan laga badalin tan iyo markii uu xukunka qabtay mudo sadex sano iyo bar amaba ku dhow afar sano ,

Aragtida dadka ayaa aad u badan waxana ay ahayd mid dhalilsan sida uu u dhacay isbadalku marka loo eego wixii laga filayey madaxwayne Faroole, micnaha guudna waxaa ay ku sheegeen in la dhimi doono Wasiradada iyo ku xigenada faraha badan oo lagu qancinayo qaba’ilka oo shaqooyinkoodu ay yihiin kuwa dabacsan oo aan fir fircooni kujirin, halka qaar dadkuna ay qiimayn ku samaynayeen wasaradado badan oo waxqabadkoodu yahay mid wali fari ku godan tahay oo ay ka fiirinayeen Digreedada madaxwaynaha balse ma noqon.

Wasiirada xilka laga qaaday waxaa ay ahaayen kuwa mudo dhow xilka loo dhiibay iyo kuwa sanado badan hayey wax qabadkooduna muuqday marka laga hadlayo wasaarad ahaan iyo xilka loo dhiibay ka soo cadaada

Caasho Geele Diriye waa wasiirkii ugu horeeyay ee Haweenka iyo Arrimaha qoyska waxaana ay mudo ka ahayd wasaara haweenka laga soo bilabo xiligi Cadde Muuse, ilaa hada oo ay sheegtay in ay iska casishay mudo sadex malmood ka hor isbedelkan ,

Wasirkii hore ee Haweenka iyo Arrimaha qoyska Caasho Geele Diriye oo maanta an ku booqanay xafiiska ay sii hayso ayaa warbaahinta usheegtay in xilkaan ay mar hore ay iska casishay una gudbisay qoraal Madaxwaynaha Puntland iyadoo ku amaanaysa wada shaqayntii intii uu xilka hayey Faroole iyadoo sidoo kalena u qaybisay qoralkii istiqaalada ay ugu gudbisay Madaxtooyada Puntland ee Garowe.

Hadaan waxka xusno qoralka waxaa ka muuqday kalsooni iyo in aysan diyar u ahayn in ay siihayso xilka  inkastoo dadka qaarkii ay mujiyeen waxqabadka Wasarada oo meel banaan oo iyada kaliya ay ka soo bilowday marka loo eego xiligii la asaasay 2005.

“Mudane Madaxwayne anigoo aad ugu kalsoon in aad codsigayga iga aqbali doonto waxaan si gaara kaga codsanaya si taxader leh uga fakarto masuulka lagu aaminayo oo an kuwareejinayo hantida taal wasarada oo isugu jira qalab iyo hanti lacageed oo aan yarayn kuwas oo qaar yaalo, in badan qaar kalena ay imanayaan si aan loo marinhababin deeq bixiyaasha soo waday anay u qadin shaki dib u dhac keeni karamashariicda aan ka hadlayo oo dhawan bilamanaya”

Ugu danbayntii ayaa waxaa ay qoralkeeda ku sheegtay Wasirkii hore ee Haweenka iyo Arimaha qoyska mahad celin Madaxwayne ku xigeenka,Gudoomiyaha barlamanka iyo dhamaan golayasha dowlada oo ay sheegtay in ay siwanagsan ula soo shaqeyeen

Hadaba su’aashu waxaa weeye Marwo Casho iyadoo og in xilkimeerto yahay inta badana dadku ay aad uga xumadeen haday noqon lahayd xil kaqadista lagu sameeyay iyo iscasiladeda wax qabadkeeduna uu aha mid muuqdadalkana hada u higsanayo Dimuqradiyan xisbiyo badan wata oo la shaciyey in lafuran karo