Qoraal shaley ka soo baxay garab ka mid ah labada garab ee  Baarlamanka KMG Soomaaliya ee aan haysan kalsoonida beesha caalamka ayaa shaley shaaciyey go’aan ay ku sheegeen in ay xilkii kaga xayuubiyeen Madaxweynaha dawlada KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyagoo u cuskaday xil ka qaadistiisa qodobo kala duwan oo waa sida ay hadalka ay u dhigeen’e uu madaxweynuhu ku guuldareystey.

Qoraalkan oo uu ku saxiixan yahay Madoobe Nuunow Maxamed oo qayb ka mid ah Baarlamanka Soomaaliya ay u doorteen Gudoomiye Baarlamaan ayuu lagu cadeeyey qodobo kala duwan oo loo cuskaday xil ka qaadista Madaxweynaha waxaana la sheegay in 30-ka bisha April ee so socota ay dhici doonto doorasho madaxweynaha Soomaaliya lagu dooran doono iyadoo ka horna Baarlamanka lagu sameyn doono dib u habeyn.

Sida qoraalkan ku cad waxaa go’aankaasi madashii lagu gaaray soo xaadiray 278 xildhibaan waxaa si buuxda u ansixiyey soo jeedintan 269 xubnood waxaa diiday lix xildhibaan halka sadex kalena ay ka aamuseen.

Qoraalkan oo faahfaahsan iyo waliba qodobada loo cuskay xilka-qaadista Sheekh Shariif link-ga hoose guji.Halkan Riix

SBC News Desk