Waxaa gelinkii dambe ee Khamiista magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ka dhacay  Aqoon Isweydaari ku saabsan sidii Bulshada loogu  baraarujinlahaa  soo celinta dhaqan suuban ee Soomaalida iyo Dowlada wanaaga

Waxaana aqoon isweydaarsigaasi u qabtay Bulshada Aqoonyahan iyo qoraa dhalinyaro ah oo lagu magacaabo, C/fitaax Daahir Cumar Guruu.

Kulankaas ayaa waxaa ka qaybgalay Ardayada duqsiyada dhex, sare ,iyo jaamacadaha waxaana soo qaban qaabiyey Qoraa C/fitaax Daahir Cumar “Guruu’ oo ah Qoraa Soomaaliyeed waxaana Aqoon isweydaariga uu ka dhacay Gaalkacyo  lay bareeri.

Qoraa C/fitaax Daahir Cumar “Guruu’ oo ugu horeyna ka hadal kulanka ayaa sheegay in kulanka  uu yahay mid uu ugu talagalay in uu bulshada ku tuso waanaga iyo Quruxda dhaqanka suuban ee Soomaalida oo burburkii Soomaaliya saameeyay.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga hadlay dowlad wanaaga leyskuna faray in
shaqsi walba marka uu kulanka dhamaado ka dib bulshada ku hagaajiyo wanaaga kana reebo xumaanta.

Dhalinyada Ardayda ah ka qaybgalay kulankaan Aqoon isweydaarisga ah ayaa
waxa ay ka kala socdeen labada dhinacyada ee Magaalada Gaalkacyo ee ay ka
kala Arimyaan Puntland iyo Galmudug.

Kulan ka dhacay magaalada Gaalkaacyo ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay Arday waxkabarata jaamacadaha iyo kuwa dugsyada sare waxaana dhamaantood ay aad ugu mahadceliyey Qoraa C/fitaax Daahir Cumar “Guruu’ Aqoon isweydaariga uu uqabtay gaar ahaan ka hadalka  soo celinta dhaqan suuban ee Soomaalida iyo Dowlada wanaaga oo ah kii ugu horeeyay oo galkacyo ka dhaca.

Sawiro
1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 11_1