Aqoon iswaydaarsigan oo ay soo qabqaabisay hay’ada Puntland u qaabisan cilmi baarista ee magaceeda loo soo gaabsho PRDC waxaa ka qaybglayey xubno laga soo xulay dadka degaanka iyo barkacayaasha ku nool magaalda Garoowe kulankan oo halmaalin soconayey waxaa muhiimadiisu ahayd xoojinta nabad galyada iyo kor u qaadista amaanka taasi oo looga goleeyahay in iskaashi dhanka amaanka ah uu dhexmaro dadka deegaanka iyo barkacayaasha si loo xoojiyo nabad iyo xasiloonida.

Xiriiriyaha hay’ada Puntland u qaabilsan cilmi baraasta ee PDRC cali faarax cali ayaa sheegay in muhiimada mashruucan xoojinta nabad galyada iyo kor u qaadista amniga ay tahay sidii bulshada deegaanad Puntland kuwada nool ay is dhexgal u samayn lahaayeen isla markaana ay isaga kaashan lahaayeen dhanka amaanka oo uu sheegay in ay muhiimtahay in laga wada shaqeeyo.

Agaasimaha waxda arimaha pulshada ee degmada Garoowe C/rishiid  Ciise Cabdi oo ka mid ahaa xubnihii kulankan ka qayb galay ayaa sheegay in degmada Garoowe siwayn loogu soo dhawayey dadka ka soo barakacay koonfurta soomaliya hadana Garoowe ay ku leeyihiin 14kaam oo ay dadkaasi dagan yihiin qaarkoodna ay ku leeyihiin guryo deegno wanaagsan isla markaana ay ka shaqaystaan.

Gudoomiyaha barakacayaasha magaalda Garoowe  macalin Isaaq Cabdi Xasan oo kulanka ka hadlay ayaa sheeegay in barkacayaashu kaalin wayn kaga jiraan xoojinta amaanka goobaha ay ku noolyihiin Puntland ay tahay dhulkoodii oo aysan ka suurtoobin in ay dhibaato u gaystaan dhulkooda ay ku noolyihiin waxaana uu intaa ku daray in Puntland gacan wanaagsan u fidisay dadka  ka soo cararay dhibaatooyinka ka jira koonfurta soomaliya.

Aqoon isawaydaarsiga waxaa uu kamid yahay mashruuc lagu magacaabo xoojinta nabad galyada iyo kor u qaadista amniga ooay hay’ada PDRC ay kawado deeganada Puntland kaasi oo is dhexgal loogu samaynayo dadka deegaanka iyo barakacayaasha ku nool Puntland.

DAAWO SAWIRO

Maxamed Siciid
SBC International Garoowe