Ha’yada  SAHSP(Somali Animal Heath Service) oo ka shaqaysa Mashruuca Caafimaadka Xoolaha Somaliya ayaa maanta Aqoon iswaydaarsi  ku saasbanaa daryeelka Xanaanada Xoolaha  u furtay Xubno ka kala socday xildhibaanada Puntland , Dhakhatirta Xolaha, iyo  Rugta ganacsiga Puntland kuwaas oo tiradoodu gaaraysay 30 xubnood kaasi oo socondoona mudo 3 maalmood ah

Inta uu socdo Aqoon iswaydarsigaani waxaa ay xubnahani ka doodi doonaan sharciga xananaynta xoolaha oo lagu wado in dhawaan la soo saro isla markaasna la horgayn doono Golayasha Dowlada si ay u ansixiyaan ama u celiyaan

Wasiir ku xigeenka Wasarada Xanaanada Xolaha Nuur Axmed Yusuf oo hadal ka jediyay ayaa sheegay in ay tahal lagamarmaan in xoolaha Punland loo helo sharci lagu xananeyo kaasi oo uu sheegay in wasiirku uu waxbadan ka qaban doona dayaca ka muuqda xoolaha puntland marka ay jogaan sayladaha iibka iyo mararka dabada loo dhoofinayo oo xoolohu la kulmaan dhibaatoyin ka soo gaarta iyaga oo aan wax baad ah lagu siin meelaha laga rarayo

Dr Maxamed C/qadir Jamac waa sargaal ka tirsan Mashruuca  Ha’yada SAHSP oo ka caawinaysa sharci u samaynta xananaytoda Xolaha Puntland waxaa looga gool leyahay waxaana uu tilmaamay in loogu talagay sidii xoolaha puntland ay u yeelan lahaayen sharci sax ah oo lagu daryeelo iyada oo wasaarada xanaanada xoolaha la doonayo in ay ku hagto ganacsatada xoolaha

Sadexdaan Maalmood ee uu socdo Aqoon iswaydarsigaani waxaa ay ka doodayaan xubnahani buug ka hadlaya Shurucda xoolaha si loo helo sharci qeexaya daryeelka xoolaha oo ay yeelato wasaradda Xananada Xolaha oo markaasi ku hagtay ganacsatda xoolaha dhoofiya iyo kuwa kawaama

Daawo SAWIRADA


Maxamed Siciid Yuusuf
SBC International Garoowe