Kaluunka oo ka mid ah khayraadka dabiciga ah ee ay Soomalia hodonka ku tahay, balse intabadan dadwaynaha Somaliyeed ugama faaidaysataan cunitaan in kasta oo ay jiraan dad badan oo ka shaqeeya isla markaana quuta.

Aqoon iswaydaarsigan socondoona mudo bari ah ayna ka qabgalayaan qaybahakala duwan ee bulshada sid ganacsada kaluunka dhalinyaro iyo haweenka waxaana lagu baran doona faaidooyinka kaluunku u leeyahay nolosha aadanaha waxaana hirgalinta iska kaashanaya wasaarada kaluumaysiga Puntland iyo hayada UNDP.

Agaasimaha guud ee wasaarada kaluumaysiga iyo kheyraadkabada Puntland C/waxaadi Maxmed Xirsi  oo hadal ka jeediyey furitaankii shirkan ayaa ka waramay faaidooyinka cunitaanka kaluunka leeyahy iyo faaidoyinka laga dhaxlo, waxaana uu sheegay in cunista kaluunku ka faaido badan tahay cunista hilibka isla markaana uu leeyahay buritiino muhiim ah islamarkaana qofka hilibka kaluunka cuna uu ka caafimaad badan yahay kan cuna hilibka kale aana laga qaadin cudurada hilibka laga qaado sida dufanka oo kale .

Dhanka kale agaasimuhu waxaa uu ka digay khataro ka dhalan kara kaluunka hadii si khaldan loo isticmaalo taasi oo cuduro sababi karta khataraha kaluunka uu leeyahay hadii isticmaalkiisa la khaldo waxaa ka mid ah ayuu yiri isaga oo meel aan qabow ahayn ama baraf la,aan la dhigo, waxaana uu intaasi ku daray hadii kaluunka dhadhankiisu isbadalo ay bagteeriyo ka dhalato taasi oo ku micneeyey  hadii meel aan qobow ahayn lagu kaydsho waxaana uu ku booriyey bulshda reer Puntland ee kaluunka cuna inay  baraf ama biyo qabow ku dhex ridaan hadii ay kaydinayaan .

Inkasta oo bulshada Somaliyeed u badan yihiin xoolo dhaqato aan cunin kaluunka hadana magaaloyinka iyo deeganada xeebaha ah bulshada ku dhaqan waxaa ay kaluunka uga faaidaysataan siyaabo kala duwan ay ka mid yihiin ganacsiga iyo quudashadu wallow aysan gaarsiisnayn sida loo isticmaalo hilibka xoolaha oo Somalidu caan ku tahay.

Sawiro