Waxaa caawa la iclaamiyay in maalinta barri ah ay xildhibaanada baarlamaanka DKGS ajando ku aadan ansaxinta Ra’isalwasaaraha cusub ka dhici doonto xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Cumar Islow ayaa warbaahinta u sheegay in mudanayaasha baarlamaanka DKGS ay cod Haa &  Maya u qaadi Doonaan raysul wasaaraha cusub ee dowlada Cabdiwali Maxed Cali Gaas isagoo sidoo kale sheegay in maalinta bari ah la Gabagabayn doono ansixintaas.

Ansaxintan ayaa timid ka gadaal heshiiskii Kambala ay ku gaareen madxweyne Sh Shariif iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan ka dibna madaxweynaha uu soo magacaabay afar maalmood ka hor Raysul Wasaaraha cusub ee dowlada Cabdiwali Maxamed Gaas iyada oo inta badana la saadaalinayo in la ansaxiyo raysul wasaaraha.

Maxamed Cali Iimaan
SBC International- News Desk