Anisa Hajimumin Wasiirkii hore ee Wasaaradda Haweenka Puntland Ayaa Maana Si Adag oga Hadashay Xil Ka qaadistii Lagu sameeyay, iyo Dhaliil ay u jeedisay Xildhibaanada Beesheeda,

Anisa Waxey wax Laga Xumaato ku Tilmaamtay in shaqada ay u heysay Shacabka Puntland, Laga Xumaa, oo la doonayay in Dano gaar ah ay ka shaqeyso, waxeyna sheegtay ineysan Taasi ka Yeelin,

“Waxaa dad badan is weydiinayaan sababta aanan ugu jirin Wasiirada cusub, Walaalayaal sababtu waa hal qodob oo ah meeshii la iga rabay in aan qabiilkayga u shaqeeyo, ayaan u shaqeeyay dhamaan dadweynaha reer Puntland ”
” Meshii la iga rabay inaan Xildhibaanada Beesha iyo Isinkayga qanciyo ayaan shacabkii aan u dhaartay qanciyey, Hadii Wasiir walba uu beeshiisa u shaqeeyo, sidee loo helaya Puntland-ta aan ku hamineyno? ”

Wasiirada Aniso oo Sidoo Kale sii Hadlaysay ayaa Tiri ” Hadii Xildhibaanku dabagalo Wasiirka shaqeynaay isagoo tiisa eegaya asna uu dalka waxba kusoo kordhineyn,see metelaad ugu noqonaya shacabka iyo deegaamada ay kasoo jeedaan oo ay ka jirto nolol aad iyo aad u xun!

” Waxaan idiin sheegaya qofka markuu kitaab maro , ma’ahan inuu illoowo kitaabka iyo dhaartii uu maray ee uu xasuusto xilka uu hayo, waayo xilkan waa magac wuuna baa ba’aa, Laakiin Kitaabka aad martay waa axdi iyo ballan gaar ah oo aad illaahay la gelayso. Kan bani’aadanka aad la gelayso waa qiimeynaysaa , kan illaahay aad la gelaysona ma qiimeyn kartid taasna waa mid adiga kugu soo noqonaysa! ” Ayeey Tiri Wasiirkii Hore ee wasaarada Haweenka Puntland,

Wasiir Anisa oo Kormeeraysa Xarun Loogu talagalay Hooyada iyo Dhalaanka / Garowe

” Reer Puntlandow hada kahorna waa idin iri qabiil ha iigu hiilinina shaqadeyda iigu hiiliya, kartidaydana iigu hiiliya, Kitaabka markaan marayey cidna shaqada ugama heybaysaneeyn, walaa Isin walaa xildhibaan, ee waxaan uga heybaysanayey Illaahay dartiis ” Ayeey Tiri Wasiir Anisa

Ugu danbeyn ayeey Baaq u dirtay Wasiiradu Shacabka reer Puntland, iyadoona ugu baaqday iney isku Duubnaadaan,
” Waxaan kusoo geba gebeynaya isku duubnaada saa shalay ii garab taagneydeen fadlan wasaarada Haweenka u garab istaaga, Fadlan shaqadii ka dhabeeya, Fadlan ha noqonina dadkii kufay ee kici waayey, ee inta kacdaan is garab qabsada oo hore u socda” Ayeey Tiri Marwo Aniso Xaaji Cabdulqaadir Muumin Oo Ka Hadlaysay Munaasibada XIlka ay maanta ku wareejinaysay,

Aniso Waxey Kamid aheyd Wasiiro Tiro Yar oo Ka maqnaa isbadal lagu sameeyay Xubnaha Golaha wasiirada ee Puntland, Waxeyna Aaminsantahay in Sababta xilkeeda ay ku weyday ay tahay Dad doonayay iney ku fushadaan danahooda Gaarka ah,

HOOS KA DHAGEYSO CODKEEDA :