Amnesty international oo ku eedeysay Syria danbiyo dagaal

London: Ururka u dooda xuquuqda aadanaha ee fadhigiisu yahay London Amnesty International ayaa ku eedeeyey xukuumadda Syria in ay gashay danbiyo dagaal iyo danbi kadhan ah xuquuqda insaanka.

Amnesty international ayaa sheegtay in shaqaalaheeda ay wareysi la yeesheen  inkabadan labo boqol oo ruux oo kukula sugan saddex iyo labaatan deegaan oo dalka Syria katirsan.

Ururka ayaa ku eedeeyey Syria dilka iyo gubista guryaha iyo  beeraha iyo xabado ay ciidanka xukuumaddu ku furayaan xoolaha.

Donatella Roferra oo kamid ah mas’uuliyiinta amnesty international ayaa sheegtay in ciidanka xukuumadda Syria ay beegsanayaan dadka rayidka ah, islamarkaana ay duqeenayaan tuulooyinka guryahana ay geliyaan si ay u qabqabtaan dhalinyarada ayna ku hor dilayaan qoysaskooda.

Dhanka kale wasiirka arrimaha dibadda dalka faransiiska ninka lagu magacaabo Loran Fabiyos ayaa sheegay in uu ka dalbanayo golaha amaanka in qorshaha ergayga qaaska ee QM dalka Syria koffi Annan loo bedelo qorshe qasab ah oo dhinacyada ku hardmaya dalka Syria ay tahay in ay taabageliyaan.

Dhinaca kale  xogahayaha arrimaha dibadda Maraykanka haweenayda lagu magacaabo Hillary Clinton ayaa cambaareyn xoogan dusha kaga tuurtay dowladda Ruushka taasi oo ku eedeysay in ay Suuriya ay ku caawinayso hub iyo rasaas iyo diyaaradaha dagaalka taasi oo ay ku sheegeen wax aanan suur gal aheyn.

Dhanka kale xukuumadda Turkiga ayaa shaaca ka qaaday in labo kun oo qaxooti Syrian ah ay ka soo gudbeen xadka u dhexeeya labada dal 48 saac ee la soo dhaafay.

Tirada qaxootiga ee soo gaaray dalka turkiga ayaa gaareysa labaatan iyo sideed kun iyo sideed boqol iyo konton, kuwaasi oo ku kula jira xeryo kukala baahsan magaaloyyinka dalka Turkiga.

 

Ustaad C/xakiim Maxamed Cumar
SBC international Monitoring

Daalacatey :296

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print