Taliyaha guud ee ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika oo Soomaaliya u jooga howlgalka loogu magac daray AMISOM Gen.Nathan Mugisha ayaa markii ugu horeysay ka hadlay khilaafka madaxda sare ee Dowladda KMG ah, wuxuuna ku ammaanay ciidamada Dowladda doorkooda ku aadan dagaalka ay kula jiraan xarakada Al-Shabaab oo uu sheegay inay ka qabsadeen qaar ka mid ah goobihii ay uga sugnaayeen magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka.

Waxa uu sheegay Gen.Nathan Mugisha inuu ka walaacsan yahay khilaafka madaxda Dowladda iyo wada shaqeyn la’aanta hay’adaha dowladda KMG ah oo uu sheegay inuu dib u dhac ku yahay waxqabadkii laga sugayay, wuxuuna Taliyaha AMISOM ugu baaqay hoggaanka hay’adaha Dowladda inay si dhaqsi leh u dhameeyaan khilaafkooda.

“Haddii uu sii socdo khilaafka madaxda Dowladda wuxuu wiiqi karaa horumarka dhinaca ammaanka laga gaaray” ayuu yiri Gen.Nathan Mugisha oo dhinaca ka hadlay xiriirka madaxda sare inuu mid hagaagsan, sidaasi daraadeedna wuxuu ku booriyay madaxda Dowladda KMG ah inay sidaas oo kale ay wadajir isula shaqeeyaan.Ciidamada AMISOM oo dhinaca ammaanka ka taakuleeya Dowladda KMG ah isla markaana xarakada Al-Shabaab ka hortaagan in la afgembiyo, ayuu sheegay Taliye Gen. Lantan Mugisha inay garwaaqsadaan madaxda Dowladda arrintaasi oo askarta AMISOM ay dhibaatada iyo dagaalada ugu jirto sidii dalka Soomaaliya dib loogu soo celin lahaa qaranimadeeda ayna ka tanaasulaan khilaafyadooda iyagoo muujinaya sidii dalkooda iyo dadkooda ay uga bixi lahaayeen dhibaatada heysata maanta.

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
SBC International Muqdisho-Somalia