Labadii maalmood ee aynu soo dhaafnay waxaa magaalada Garoowe ku sugnaa Ciidamo kasocda Amisom  iyo Saraakiil katirsan Ciidamad Dawlada KMG Somalia .

Intii ay kusugnaayeen magaalada Garoowe ayaa waxa ay wararku sheegayaan in ay booqdeen xarumaha ciidamada Dawlada Puntland, waxaa sidaasi warbaahinta SBC International u xaqiijiyay Afhayeenka Dawlada Puntland Axmad Cumar Xirsi (Libaax Joore)

Waxa ay kusalay santahay imaatinka Ciidamad Amisom ee magaalada Garoowe u kuur galida xaaladaha amaan ee deegaanada uu ka arimiyo maamulka Puntland  ayuu yiri Afhayeenku waxa uu  sidoo kale sheegay in imaamasha Saraakiishani ay dadku isla dhex marayaan in labo arimood midkood loo malaynayo in ay u yimaadeen waa sida uu Afhayeenku sheegaye.

Arinka kowaad ayuu Afhayeenku ku sheegay in imaatinkoodu uu Salka kuhayo in ay Qaadaan Ciidamo kasocda Puntland oo Tababar laga siiyaya Dalka Uganda iyo mida kale oo ah in Ciidamadani ay sahan u yihiin Sidii Mustaqbalka dhow Deegaanada Puntland loo keeni lahaa Ciidamo kasocda Amisom Sidaasina waxaa yiri markale Afhayeenka Dawlada Puntland .

Afhayeenka ayaa noo cadeeyay in Saraakiishi kasocday Dawlada KMG Somlia iyo Amisom ay u Dhoofeen Magaalada Galkacyo si ay halkaasi uga sii dhoofaan waasida uu hadalka u sheegaye.

Afhayeenka Dawlada Puntland Axmad Cumar Xirsi [Libaax Joore]  ayaa meesha ka saaray hadalo ay dhawaantan saxaafadu qorayeen oo ku aadanaa in Ciidamadani  ay hor dhac uyihiin Shirka Wadtashiga ee ladoo naayo in Wajigiisa Labaada lagu qabto Magaalada Garoowe.

Cismaan Saalax Ismaaciil
SBC International Boosaaso