Ciidamada Amisom ayaa magaalada Muqdisho xarunta dalka Soomaaliya uga furay ciidan ka tirsan police-ka SOomaaliya tababar soconaya todobaadyo .

Tababarka ciidamadan oo dhan 100 askari looga furay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ku aadan yahay sidii looga dhisi lahaa dhinacyada shaqada iyo howlada kale ee aqoontooda Ciidan Police- ahaan.

Furintaankii tababarka ayaa waxaa ka hadlay saraakiisha sar sare ee dhinaca tababarka u qaabilsan Amisom waxaana ay sheegeen in ciidankan la tababarayo ay noqon doonaan kuwa mustaqbalka iyaga tababara ciidanka Dowlada Federaalka.

Waxa kale oo ay sheegeen saraakiishaasi in ay wadanka u joogaan sidii ay gacan uga geysan lahaayeen howrumarinta laamaha kala duwan ee ciidan dowladeeda Soomaaliya sida police-ka iyo nabadusugida .

Mudo dhan 2 todobaad ayaa la sheegay in uu soocn doono tababarida ciidan kan boqolka ah .

Sawiro
2013_06_22_Police_Ceremony_A 2013_06_22_Police_Ceremony_B 2013_06_22_Police_Ceremony_C 2013_06_22_Police_Ceremony_D 2013_06_22_Police_Ceremony_E 2013_06_22_Police_Ceremony_G