War ka soo baxay Ciidamada Amisom ayaa lagu sheegay in ciidamada Soomaaliya iyo kuwa garabka siinaya ee Amisom ay gudaha u galeen gudaha deegaanka lagu magacaabo Janaay Cabdalle oo aheyd halkii ay ugu xooga badnaayeen xoogaga xarakada Alshabaab Almujaahidin,
Nuqul ka mid ah warsaxaafadeed ka soo baxay Amisom oo la so gaarsiiyay xafiiska SBC ee Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale lagus heegay in ciidamada Amisom iyo kuwa Soomaalida ah ee qabtay janaay cabdale lawareegeen Keyd hub ah oo halkaasi ay ugaga tageen xarakada Alshabaab.
Janaay Cabdalle waa deegaan 50Km ka xiga dhanka galbeed magaalada dekeda ah ee Kismaayo xarunta gobolkaasi Jubada hoose waxaana ay aheyd goob ay siweyn ugu sugnaayeen xarakada alshabaab kuna xooganaayeen.
2 ka mid ah Ciidamada Amisom iyo 5 ka tirsan kuwa Soomaalida ah ee Dowlada ayaa ku dhaawacmay Dagaal halkaasi ku dhexmaray xoogaga xarakada Alshabaab iyo ciidanka waxaana iminka loo qaaday sida warsaxaafadeedka ku xusan dhanka Degmada Dhoobley .
“Howlgalka lagu qabsaday janaay cabdale waxaa fuliyay ciidamada Kenya ee ka tirsan Howlgalka Amisom waxaana ay tani sii xoojineysaa awooda ciidamada Midowga Africa ee Amisom” ayuu yiri ku xigeenka taliyaha ciidamada Amisom.
Dhinaca kale Magaalada Kismaayo xarunta gobolkaasi jubada hoose ayaa laga dareemayaa xaalad kacsanaan oo aad u sareysa, waxaana xoogaga Alshabaab ee ku sugan magaalada muujinayaan dhaq dhaqaaqyo Militeri oo aad u sareya.
Waxaa sidoo kale muuqanaya gurmadyo aad u tiro badan oo xarakada Alshabaab gaarayaan gudaha Magaalada iyagoo isku diyaarinaya dagaalo xoogan oo ay kala hortagaan ciidamada Amisom iyo kuwa Soomaalida ah ee duleedka magaaladaasi ku sugan.
Waxay sameeynayaan barakac dadka badi ku dhaqan magaalada gaar ahaan haweenka iyo caruurta iyagoo siweyn uga cambsi qaba in khasaare uu ka soo gaaro dagaalo halkaasi ku dhexmara labada dhinac ee ishaya.
Daalacatey :389