Taliska ciidamada AMISOM ee midowga Yurub ee hawlgalka military ku taageeraya dawlada KMG Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in aanay wali helin balanqaadkii tagaeerada dhaqaale ee ay dawlada Mareykanku ugu yaboohdey ciidamadooda dagaalka kula jira kooxaha ka dagaalamaya Muqdisho.

Afhayeenka ciidamada AMISOM  Captain Puddy Ankunda ayaa sheegay in aanay wali helin ciidamadoodu taageero lacageed oo gaareysay 45 milyan oo doolar oo ay dawlada Mareynaku u balanqaaday AMSIOM, waxaase uu sheegay in uu jiro iskaashi wanaagsan oo ay la leeyihiin dawlada Mareykanka.


Ankunda waxaa kale oo uu sheegay in hadii la heli lahaa ciidamo dheeraad ah oo ku soo biira kuwa haatan ku sugan Muqdisho ee ka socda wadamada Ugandha  & Burundi ay si buuxda gacanta ugu dhigi lahaayeen magaalada Muqdisho, waxaa kale oo uu ka hadley rajada ku aadan in diyaarado dagaal ay ka helaan wadamo caalamka ka tirsan si ay ugu guuleystaan dagaalka ay kula jiraan xoogaga Al-Shabaab, wuxuu xusey inaanay wali soo gaarin diyaaradahaasi balse ay ka qabaan rajo wanaagsan inay helaan wuxuu si gaar ah u tilmaamay dawlada Ugandha oo ay ka sugayaan diyaaradahaasi.

Axmed Aar
SBC Muqdisho