Afhayeenka Ciidamada Amisom Cali Aadan Xumad ayaa ka hadlay Arimaha ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya magaalada Baydhabo Xarunta Gobolka Baay.

Waxa uu Afhayeenku sheegay in ka ciidan ahaan ay la socdeen bixitaanka ciidamadaas, ayna qaadeen talaabada ah in ay la wareegaan Amisom Fariisimadii ay ciidamadaasi isaga bexeen.

“ka bixitaanka ciidamadaas Itoobiya ee Magaalada Baydhabo waan ka warqabnay, markii ay ka bexeenna goobihii ay ku sugnaayeen waxaa la geeyay ciidamada Amisom,”

Waxa uu sheegay in ay ku talagaleen ciidankiisu in marka ay baxaan ciidamadaasi ay amaanka guud ee gobolka gacanta ku dhigaan ayna iminka ay ciidankooda gacanta ku hayaan.

DHinaca kale Afhayeenka Amisom ayaa ku eedeyay weerar qarax ah oo maalin nimadii shalay ka dhacay magaalada Kismaayo Xarakada Alshabaab.

Waxa uu Afhayeen Xaamud sheegay in qaraxaasi uu qasaare ka soo gaaray ciidamada Amisom iyo dadyow kale oo rayid ah islamarkaana ay ka dambeeyeen xarakada Alshabaab.

Ciidamada Nabad ilaalinta Amisom waxay u joogaan soomaaliya sidii xaalada Amaan loo xasilin lahaa, inkastoo ay jiraan waxyaabo yar yar oo ka dhaca magaalada Kismaayo mararka qaar lakin waxan rajeyneynaa in aan gacanta ku qabano amaanka guud, Sidaasi waxa ayiri Afhayeenka Amsiom, xili uu ka hadlayay kulan saxaafadeed uu ku qabtay gudaha magaalada Muqdisho

SBC International Muqdisho