Saraakiisha Sar sare ee Ciidamada Amisom ayaa waxaa ay been abuur ku tilmaameen Eedeymaha ku aadan in Dagaaladii ka dhacay Kismaayo ay ka qeyb ahaayeen ciidan ku abtirsana Amisom oo magaaladaasi ku sugan.

Afhayeenka Ciidamada Amisom Cali Aadan Xumad oo Su’aalo uga jawaabayay Dad Soomaaliyeed ayaa sheegay in ciidamada Amisom ay u joogto Soomaaliya oo qura sidii ay u caawin laheyd dowlada Soomaaliya basle aanay

“Amisom Waa ciidan ku jooga Dalka, nidaam u degsan, arin walala nimeed iyo sidii ay ula shaqeyn laheyd dowlada Federaalka ee Xamar ku sugan, ma jiraan eedeymaha naloo soo jeedinayo” ayuu yiri Afhayeenka Amisom.

Mid ka mid ah dadkii weydiinayay Su’aalaha Afhayeenka Amisom ayaa weydiiyay su’aal ku aadanayd in ciidamada Amisom ay sheegeen in ay caawinayaan dadkii ku dhaawacmay dagaalka kismaayo balse ay jiraan in ciidankaasi ay caawinayaan dad hal dhinac ka soo jeeda, waxaanu taasi ku tilmaamay Afhayeenku mid aan waxba ka jirin cidkasta oo u suurto gasha ciidanka in ay caawinaad daweyn iyo midkaleba la gaaraan ay caawinayaan.

Sikastaab ha ahaatee Waxaa maalmihii ugu dambeeyay uu dagaal ka socday magaalada Kismaayo xarunta gobolka Jubada hosoe halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidan ka tirsan Amisom oo ka socda Dalka Kenya, waxaana dhinacyada dagaalamaya dhinac ka mid ah uu ku eedeeyay in ay ka qeyb yihiin dagaalka .

SBC International News Desk.