Xarakada Shabaab Almujaahidiin ayaa gebi ahaanba ka mamnuucday gobolada ay gacanta ku hayaan siiba gobolka Shabeelaha hoose Ciyaar dhaqameedyadii ay soo bandhigi jireen dadka ku dhaqan deegaanada gobolkaasi xiliyada maalmaha ciida ah.

Amaro horay ay u soo saartay xarakada ayaa wax ay kaga mamnuucday arimaha ciyaar dhaqameedyadaasi iyadoona sheegtay in ay yihiin wax aan sal iyo raad toona ku laheyn diinteena Islaamka, cidii lagu helaana ay ka qaadayaan talaabooyin sharciga waa faqsan.

Gudoomiyaha gobolka Shabeelada hoose ee Xarakada mujaahidiinta Alshabaab ayaa sheegay in ciidamo ay ku bexeen goobo lagu sameynjiray ciyaar dhaqameedyadaasi sida goobo ku yaala duleedyada magaalada .

Ciyaaro iyo isku soo baxyo dabaaldegeed islamarkaana ay ugu dabaal degayaa munaasabada maalmaha ciidka ayay soo bandhigi jireen dadweynaha gobolkaasi iyadoo ay ka mid ahaan jireen ciyaar dhaqameedyada la soo bandhigi jiray, Dhaanto, Walasaqo iyo sidoo kale sedax waalo ciyaar looyaqaan.

Sidoo kale waxaa ay mamnuuceen saraakiisha xarakada Alshabaab ee Shabeelaha hoose xadrooyin ay goobaha mowlacyada ah ku soo bandhigi jireen culimo gaar ahaan culimada Ahlusuna waljameeca waxaana ay sheegeen in cidii lagu arko cidii goobahaas ama Masjidyada ka xadreeyneysa laga qaadayo talaabo sharci ah.

Xarakada Shabaab Almujaahidiin ayaa intii ay la wareegtay gacan ku heynta qeybo ka mid ah gobolada Koonfureed ee dalka waxa ay ka hirgeliyeen awaamiir dhowr ah oo dhinacyo badan taabaneysa taas oo ay saameyn weyn ku yeelatay dhaqankii hadba bulshada ku dhaqan deegaanka ay gacanta ku hayaan, iyagoona shaaciyay in xarakadu ay damacsantahay shareecada islaamka oo ay umada Soomaaliyeed gebi ahaanteedba ku maamulaan.

Maxamed C/laahi Faarax
SBC International Muqdisho.